Maamulka Jamaacadda Banaadir oo Faah Faahin ka bixisay Khasaarihii kasoo gaaray Qaraxii ka dhacay Hotelka Shaamoow.


Maamulka Jaamacadda Banaadir ayaa maanta soo bandhigtay khasaarihiii kasoo gaaray qaraxii Khamiistii lasoo dhaafay ka dhacay Hotel Shaamow iyagoo sheegay inay kaga dhinteen 10-qof ayna kaga dhaawacmeen 26-qof oo kale .
Warbixinta jaamacadda ayaa tacsi loogu diray waaliddiinta iyo ehelladii dadkii ku geeriyooday qaraxii naxdinta badnaa ee ka dhacay Khamiistii Magaalada Muqdisho, xilli arday jaamacadda ka qalinjabiyay loo dhigayay xaflad shahaado guddoonsiin ah.

Maamulka Jaamacadda ayaa sheegay in waxbarashada Jaamacadda ay u hakiyeen si baroordiiq loogu sameeyay dadkii ku dhintay qaraxa guud ahaan, gaar ahaan ardaydii, maamulkii iyo macallimiintii ka tirsanaa Jaamacadda.

Sidoo kale xafladda qaraxu ka dhacay ayay maamulka jaamacaddu sheegeen inay ahayd mid loogu talogalay in shahaadooyinkii qalinjabinta lagu guddoonsiiyo 53-arday oo ka baxay qaybaha kala duwan ee Jaamacadda.

Ardayda qalinjabinayay ayaa waxay u badnaayeen kuwo ka baxay Kulliyadda Caafimaadka waxayna tiradoodu ahayd 23-arday, sidoo kale ardaydii ka baxay kulliyadda waxbarashada waxay tiradoodu ahayd 16-arday, halka 13-arday ay ka baxeen Computer Science iyo IT.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in maamulku dhisay laba guddi oo ka shaqeeya ururinta khasaarahii qaraxa ka gaaray Jaamacadda iyo guddi kale oo ka shaqeyn doona ururinta kaalmo loogu deeqayo dadkii ku waxyeelloobay qaraxaas.

Qaraxa oo ahaa mid ismiidaamin ah ayaa waxaa sidoo kale ku dhintay dad badan oo ay ku jireen wasiirro, suxufiyiin iyo shacab, waxaana ku dhaawacmay dad ka badan 70-qof oo qaar ka mid ah dhaawacyadooda loo duuliyay dalka dibadiisa si loogu daweeyo.

Add New Comment