Madaxweyne Sheekh Shariif oo maanta tababar u furay ciidamo ka tirsan Xoogga Dalka


Madaxweynaha Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho tababar ugu furay ciidamo ka tirsan Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo tiradooda lagu sheegay inay kor u dhaafeyso  badan 1500 oo askari.

Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa waxa uu halkaasi ka jeediyey qudbad  dheer oo uu kaga warramay xaaladda uu dalku marayo, dhagarta ay maleegayaan xoogagga dowladda kasoo horjeeda, kuwaasoo uu ku sheegay inay caadeysteen dilka dadka muslimka ah ee Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa waxa kale oo uu intaa ku daray in qaran uusan dhismi karin haddii aan la hayn dal, dad iyo madaxbannaani kuwaasoo dhammaantood aan jiri karin ciidan qaran oo difaaca la'aantood, wuxuuna madaxweynuhu si gaar ah u timaamay in Xoogga dalku uu yahay kan laga rabo inuu mas'uuliyaddaasi qaado.

Madaxweynaha ayaa waxa furitaankii tababarka ku wehliyey taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, taliyaha Ciidanka Badda, taliyaha Ciidanka Dhulka iyo mas'uuliyiin kale.

 
ShShCiidan.jpg

Add New Comment