Dawladda KMG ah oo xil ka qaadis ku sammeysay taliyayaasha Dhuumaal iyo Qeybdiid, kuwa cusubna booskoodi u magacowday.


Kadib kulan saacado qaatay oo ay maanta isugu yimaadeen golaha Wasiirada dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa waxa uu Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid golaha wasiirada soo hordhigay taliyayaal loo soo magacaabay Ciidamada Booliska iyo militariga dowladda KMG ee Soomaaliya.
la taliyaha Ra’iisul wasaaraha dowladda KMG Cabdi Xaaji Goobdoon ayaa sheegay in si rasmi ah xilalka looga qaaday Cabdi Qeybdiid iyo Yuusuf Dhuumaal iyadoona boosaskooda loo kala magacaabay Sareeyo Guuto Max’ed Geele Kaahiye oo loo magacaabay Taliyaha ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed iyo Sareeye Guuto Cali Max’ed Xasan Looyaal (Cali Madoobe) oo isna loo magacaabay Taliyaha ciidanka Boolis dowladda KMG


Sidoo kale  Cabdi Xaaji Goobdoon waxaa uu sheegay in labada wasiir ee kala ah Amniga iyo Arimaha gudaha dowladda KMG ee Soomaaliya loo xil saaray baaritaanka qaraxii dhawaan ka dhacay hoteelka Shaamoow ee Magaalada Muqdisho isagoo tilmaamay in shaqsigii falkaasi ka dambeeyay la hayo qeybo ka mid ah jirkiisa baaritaankiisana lala kaashan doono qubaro caalami ah .

Go'aankani ayaa loo gudbiyay xafiiska madaxweyne Sharif si loo meel mariyo iyadoona xubnaha cusub ee la magacaabay aysan goob joog ka aheyn goobta magacaabistu ka dhaceysay.
 

Add New Comment