Waxa beenoobay warar xalay kasoo baxay magaalada Nairobi oo sheegayey in wasiirkii dhallinyarada iyo sportiga uu geeriyooday


Waxa been aysan waxba ka jirin noqday warar xalay lagu faafiyey website-da Soomaalida qaarkood, kuwaasoo sheegayey inuu magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku geeriyooday wasiirkii dhallinyarada iyo sportiga Suleymaan Colaad Rooble oo ka mid ahaa dadkii ku dhaawacmay qaraxii hoteel Shaamow.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya waddanka Kenya Maxamed Cali Nuur (America) ayaa asagoo ku sugan magaalada Nairobi  ka sheegay in warkaasi uu been yahay, wasiirkuna uu noolyahay inkastoo ay xaaladdiisu aad u liidato, una rajeeyey wasiirka inuu Ilaahey caafiyo.

Waxa asagana saxaafadda la hadlay Cabdullaahi Colaad Rooble oo ay walaalo yihiin wasiir Suleymaan Colaad Rooble, sheegayna in walaalkii uu nool yahay laguna daweynayo cusbitaal ku yaal magaalada Nairobi ee waddanka Kenya.

Haddaba waxaan ka cudur daaraneynaa warkii xalay fiidnimadii aan ku helnay sida qaladka ah ee ku saabsanaa geeridii beenowday ee wasiirkii Sportiga mudane Suleymaan Colaad Rooble, aad iyo aad ayaanna ugu faraxsanahay in wasiirku uu weli nool yahay, waxaan Ilaahey uga baryeynaa inuu caafimaad taam ah siiyo AAMIIN.

Add New Comment