Dr. Cabdiqaasim Salaad Xasan oo ka hadlay qarixii ka dhacacay Hoteel Shaamoow


Madaxweyihii hore ee Soomaaliya Dr. Cabdqaasim Salaad Xasan ayaa ka hadlay qaraxii maalinnimadii khamiistii ka dhacay Hoteella Shaamow ee magaalada Muqdisho ee ay ku naf waayeen wasiiro ka tirsanaa Dowladda Soomaaliya, dhaqaatiir, macallimiin, arday iyo dadweyne kaleba.

Dr. Cabdiqaasim Salaad Xasan ayaa weerarkaasi ku tilmaamay inuu ahaa mid lagu laayey dad wax gal ah oo qiimo ugu fadhiyey ummadda Soomaaliyeed, kuwii ka dambeeyeyna ku tilmaamay inay ahaayeen kuwo damiirlaaweyaal ah oo arxan darran.
 
Madaxweynihii hore Dr. Cabdiqaasim Salaad ayaa waxaa uu intaa ku daray in qaraxa ka dhacay Hoteelka Shaamow ee magaalada Muqdisho uu gallaaftay nolasha dhalinyaro loo hanweynaa, iyo macalimiin wax tar u lahaa bulshada Soomaaliyeed, asagoona si gaar ah u tilmaamay dhaqaatiirtii ku geeriyooday qaraxa iyo kuwii ku dhawaacmayba oo uu ku sheegay inay ahaayeen kuwo dhex joogay oo ku sabray dhibaatooyinkii ka jiray Soomaaliya muddada 20-ka sano ku dhow.

''Dhibaatada ka dhacday Hotelka Shaamow waxaa ka danbeeyay dad cadawo ah oo ka dhax shaqeynaya gudaha Bulshada Soomaaliya, islamarkaana wadanka kala qeybinaya, waxaana dhihi karaa qaraxaasi waxaa ka dambeeyay kuwii horay u dilay Wasiirkii Amniga Dowladda Soomaaliya Cumar Xaanshi Aadan” ayuu yiri '' Dr. Cabdiqaasim Salaada Xasan.
 
Eedeynta loo soo jeedinaayo kuwii ka dambeeyey qaraxii khamiista dhoweyd ka dhacay Hoteelka Shaamow ayaa iska soo daba dhaceysa, ayadoo bulshaweynta Soomaaliyeed meel kasta oo joogaan iyo caalamkuba ay si isku mid ah u eedeeyeen falkaasi argagixisonimo ee lala eegtay aqoonyahannadii iyo dhallinyaradii Soomaaliyeed ee wax usoo baratay inay dadkooda iyo dalkoodaba u shaqeeyaan.

Add New Comment