Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo Al Shabaab ku eedeeyey qarixii Hotel Shaamow


Taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Gen. Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) ayaa ururrada Xarakatul Shabaab Al Mujaahidiin iyo Al Qaida ku eedeeyey qaraxii dhowaanta ka dhacay Hoteelka Shaamow ee magaalada Muqdisho.

Gen. Cabdi Qeybdiid ayaa sheegay in qaabka uu u dhacay qaraxaasi uu yahay mid iska cad oo ay ka dambeeyeen kooxo arxan daran oo ku caam baxay baabi'inta shacabka, asagoona sheegay inay socdaan baaritaanno ay wadaan ciidamada ammaanka ee Soomaaliya, ayna dhowaan soo bandhigi doonaan caddeymo ku aaddan ciddii sida rasmiga ah uga dambeysay.

"Shaki kuma jiro in Al-Qaacida iyo Al-Shabaab ka Mas'uul ka yihiin qaraxaas waayo iyagaa ku caan ah oo howlahaas maleega" ayuu yri Gen. Cabdi Qeybdiid.

Eedeyntan uu Gen Qaybdiid ku eedeeyey Xarakatul Shabaab ayaa ku soo aadday xilli ay mar sii horreysay Al Shabaab sheegeen inaysan wax lug ah ku lahayn qarixii lagu laayey wasiirrada, macallimiinta, dhaqaatiirta iyo ardaydaba ee khamiistii dhoweyd ka dhacay Hoteelka Shaamow ee magaalada Muqdisho.

Add New Comment