Sheekh Xasan Daahir oo mar kale ku baaqay in lala dagaallamo ciidamada AMISOM


sheekhXasanBB.jpgGuddoomiyaha Ururka Islaamiga ah ee Xisbul Islaam ee dagaalka kula jira Dowladda KMG ee Soomaaliya Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa mar kale ku baaqay in la sii wado dagaallada ka dhanka ah ciidamada AMISOM ee jooga magaalada Muqdisho.

Sheekh Xasan Daahir ayaa waxa uu sheegay in sida keliya ee ay Soomaaliya ku soo ceshan karto cisigii sharaftii ay lahayd ee kaga luntay dagaalladii sokeeye ee dalka ka socday muddada 20-ka sano ah ay tahay ayadoo lala dagaallamo ciidamada shisheeye ee dalka gudihiisa ku sugan.

Sheekh Xasan Daahir ayaa sidoo kale farta ku fiiqay in hoggaamiyeyaasha dalalka reer galbeedka qaarkood ay caddeysteen sida aysan u oggoleyn inay arkaan Soomaaliya oo dib cagaheeda isugu taagta, balse ay jiri karaan dad wata magaca Soomaalinimada.

Guddoomiyaha Xisbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa sida caadadu tahay mar kasta oo uu hadlo ku baaqa in dagaalka lasii wado ilaa iyo inta ay dalka ka baxayaan ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, taasoo uu sabab uga dhigo inuu ku jiro xalka Soomaaliya.

Add New Comment