Guddoomiyaha baarlamaanka DKMG Soomaaliya oo maanta sheegay in mushaar la'aan haysato xildhibaannada

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan  (Madoobe) oo saxaafadda la hadlay ayaa shaaca ka qaaday in sababaha ay u qabsoomi la'yihiin kulammada baarlamaanka ay yihiin dhaqaale la'aan haysata xildhibaannada kuwaasoo aan goordhaw la siinin  Mushaaharadoodii.

Sheekh Aadan Madoobe waxa uu sheegay mushaar la'aanta haysata xildhibaannada ay sabab u tahay qabsoomid la'aanta fadhiyada baarlamaanka Soomaaliya, balse ay joogaan gudaha dalka xildhibaanno buuxin kara kooramyada uu ku qabsoomi karo baarlamaanka  .

 Xildhibannada baarlamaanka ee dibadda ku maqanna waxa uu sheegay in ay dib ugu soo laaban doonaan dalka si ay uga qaybqaataan fadhiyada baarlamaanka, Guudoomiyaha Sh.Adan Madoowe waxa uu beeninyey inay jiraan Xildhibaano si hoose ah loo siiyay Mushaaharad,warkaasina waxa uu ku sheegay war aan waxba ka jirin .

Mar la weydiiyay sida uu u arko mudanayaasha ku howlan dhismaha maamul goboleedyo laga sameynayo koonfurta Soomaaliya waxa uu yiri inaysan isku mashquulin xilligan howshaasi.

Ugu dambaystii waxa uu Dowladda waydiistay inay soo dadajiso mushaaraadka xildhibaannada, waayo haddii aanu Xildhibaanku helin lacag uu gaari kusoo raaco, ma imaan karo xarunta shirka uu ka dhacayo, lacag la'aanta haysata Xildhibaanada ayaa  keentay in kulamadii baarlamaanka ay todobaadkan ay baaqdaan .

Add New Comment