Nin soomali ah oo watay kiimikada qaraxda ayaa lagu qabtay garoonka diyaaradaha caalamiga Aadan Cadde ee magaalada Moqdishu

Maj. Behuko oo ah afhayeenka AMISOM  ayaa sheegay in wiilka Soomaaliga ah ee watay walxaha qarxa uu raaci lahaa Diyaarad ka duulaysay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho taasoo ku socotay dalka Imaaraadka Carabta siina maraysay Hargeysa iyo dalka Jabuuti

Ciidamada ammaanka garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa sheegay inay qabteen wiil dhallinyaro oo Soomaali ah kaasoo qorsheynayay inuu qarax u geysto mid ka mid ah diyaaradaha rakaabka qaada ee Shirkadda Daallo.

Dhacadadan ayaa mid la mid ah waxay ka fashilantay nin u dhashay dalka Neejeriya oo todobaadkan isku dayay inuu qarax ka dhex sameeyo dayuurada Northwest Airlines ; taasoo  ku sii socotay dalkaasi Mareykanka.

Col. Bariise ayaa waxa laga soo xigtay inuu socdo baaritaanno lagu ogaanayno kooxda uu wiilkan xiriirka la leeyahay iyo qorshihiisa oo dhab ah si loo baajiyo iskuday kale oo cusub.

Add New Comment