Madaxweyne Sheekh Shariif oo shir jaraa'id qabtay qaraxii maanta kaddib


newshrfB.jpgMadaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo qaraxii maanta kaddib shir jaraa'id ku qabtay xarunta Madaxtooyada ee magaalada Muqdisho ayaa tacsi u diray ummadda Soomaaliyeed  iyo dadkii ku geeriyooday qaraxaasi ka dhacay Hoteel Shaamo eheladoodii.

Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa sheegay in wasiirada, dhaqaatiirta, suxufiyiinta iyo ardaydii lagu laayey qaraxa maanta dhacay ay dhinteen ayagoo gudanaya howl qaran, ayna dishay gacan ka gar daran oo fulineysa awaamiir shisheeye.

Sheekh Shariif ayaa waxa uu sheegay inaysan ahayn markii ugu horreysay ee uu dhaco qarax noocan oo kale ah oo lagu dilo mas'uuliyiin ka tirsan dowladda, asagoona dhacdadaan ku eedeeyey kooxaha dowladda kasoo horjeeda oo uu ku sheegay inay Al Qaida ka dambeyso.

Madaxweynaha ayaa dadka Soomaaliyeed ugu baaqay inay iska difaacaan cadowga dalkooda kusoo duulay, si ay isaga badbaadiyaan dilalka noocaan oo kale ah.

Madaxweynaha ayaa beesha caalamka ka dalbaday inay gacan ka siiyaan dowladdiisa sidii ay uga badbaadin lahayd dalka iyo dadka Soomaaliyeed dibaatooyinka lagu hayo, waxaana Madaxweynaha garabkiisa fadhiyey Ra'iisul wasaarihiisa iyo mas'uuliyiin kale.

Add New Comment