Wasiiro, dhaqaatiir, arday iyo dadweyne maanta ku geeriyooday qarax ka dhacay magaalada Muqdisho

Saddex Wasiir oo ka tirsanaa Dowladda KMG, dhaqaatiir, arday iyo dadweyne kale  ayaa ku geeriyooday qarax ismiidaamin ah oo maanta barqanimadii lala beegsaday hoolka shirarka ee hoteelka Shaamow ee magaalada Muqdisho oo ay ka socotay xaflad qalinjebin ah.

Cadow-Qamar-Waayel.jpg
.
Wasiirrada geeriyooday ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiirkii Tacliinta Sare Prof. Ibraahim Xasan Caddoow, Wasiirkii Waxbarashada Axmed Cabdullaahi Waayeel iyo Wasiirkii Caafimaadka Qamar Aadan Cali, waxaana sidoo kale qaraxaasi ku geeriyooday dhaqaatiir uu ka mid ahaa Prof. Maxamed Aadan Shahiid iyo kuwo kale oo ka mid ahaa kuwii wax soo baray ardayda maanta ka qalinjebineysay Jaamacadda Banaadir.

Waxaa sidoo kale geeriyooday weriyeyaal iyo ardaydii xafladda loo qaban lahaa ee muddada 6-da sano ah wax soo baraneysay ee ka soo qalinjebiyey Kulliyadda Caafimaadka ee Jaamacadda Banaadir ee magaalada Muqdisho.
Guud ahaan tirada dadka ku geeriyooday qaraxa maanta ayaa waxa ay gaareysaa ilaa iyo 14 qof, ayadoo dadka ku dhaawacmayna ay tiradoodu kor u dhaafeyso 40 ruux oo isugu jira mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda KMG, aqoonyahanno, arday iyo dadweyne oo haatan lagu dabiibayo cusbitaallada magaalada Muqdisho.

Ma jirto cid sheegatay inay ka dambeysay qaraxaan, waxaase jiray in Sheekh Cabdiraxiim Ciise Caddoow uu saxaafadda u sheegay inuu jiray ruux soo xirtay dharka haweenka uu isku qarxiyey goobtii ay xafladdu ka dhaceysay.

 

Add New Comment