Madaxweynayaashii isku haystay maamulka Goboleedka Galmudug oo maanta ka heshiiyay khilaaf usuna tanasulay

Axmed-shariif Cali Hilowle oo ka mid ahaa madaxweynayaasha isku hayay maamulka Galmudug ayaa ku dhawaaqay inuu u tanaasulay mas'uulkii ay xilka isku hayeen oo lagu magacaabo Col. Axmed Max'ed Caalin kaasoo noqon doono madaxweynnaha  maamul goboleedka  Galmudug.


Talaabadaani ayaa waxaa hormuud ka ahaa khilaafkana xallintiisa ka shaqeeyay Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed,waxaana lagu ammaanay Madaxweynuhu inuu ka shaqeeyay heshiiska labadan mas'uul dhexmaray iyo tanaasulka uu sameeyay mid ka mid ah labada mas'uul ee isku hayay xilka Madaxweynanimo.


Munaasabada ay xilka isaga tanaasuleen madaxdii isku heysatay maamulka Galmudug oo maanta ka dhacday Hotel Saxafi ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa goobjoogayaal ka ahaa kulankaasi wasiirro ,wasiiradowlo,xildhibaanno ka socda Dowladda KMG ee Soomaaliya, iyo weliba marti-sharaf kale.



Ugu dambeyntii Madaxweynaha loo tanasulay Col. Axmed Max'ed Caalin ayaa Walaalkiis Axmed-shariif Cali Hilowle ugu mahadceliyay sida qiimaha badan ee uu ugu tanaasulay, wuxuuna sheegay inuu  kala tashan doono wax alla wixii waayo-aragnimo iyo cilmi uu dheer yahay si wadajir ahna ay ugu wada shaqayn doonaan danaha dadka reer Galmudug.

Add New Comment