Dagaal saaka ka dhacay meel aan ka fogeyn magaalada Beledweyne


Aroornimadii hore ee saaka ayaa waxa uu dagaal ka dhacay duleedka magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, dagaalkaas oo sida la sheegay u dhexeeyey ciidamada Xisbul Islaam ee maamula magaalada Beledweyne iyo xoogagga Ahlu Sunna ee gacanta ku haya inta badan gobollada dhexe ee Soomaaliya.

Dagaalkan ayaa yimid kaddib markii xoogagga Culimaa'idiinka Ahlu Sunna Wal Jamaaca ay weerar kusoo qaadeen goobo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan ururka Xisbul Islaam.
Dagaalkan ayaa sida la sheegay ka dhacay goob lagu magacaabo Waadiga Xajuub oo ilaa iyo 10 km koonfur bari kaga beegan magaalada Beledweyne.

Afhayeenno u kala hadlay labada dhinac ee Xisbul Islaam iyo Ahlu Sunna Wal Jamaaca ayaa guulo ka kala sheegtay dagaalkaasi saakay halkaasi ka dhacay, mana jiraan ilo madax bannaan oo wax ka yiri dagaalka, waxaase hubanti ah in dadweynaha ku nool degaannada ku dhow dhow goobta uu dagaalku ka dhacay ay muujiyeen welwel iyo cabsi ay ka qabaan in dagaalku uu soo durko degaannadooda.

Gobolka Hiiraan ayaa waxa uu noqday goob ay ku loollamaan dhammaan kooxaha isku haya siyaasadda Soomaaliya oo ay kooxba meel kaga sugan tahay, iyadoo weliba ay intaasi u sii dheer tahay ciidamada Ethiopia oo mararka qaar kasoo tallaaba xuduudda u dhexeysa labada dal, kaddibna fariisimo ka sameysta, muddo kaddibna isaga baxa ayada oo aan la garan ujeeddada ay dhaqdhaqaaqaasi ka leeyihiin.

Add New Comment