Wafdigii uu hoggaaminayey Prof. Ibbi oo soo dhammeystay booqashadii ay ku tageen waddanka Filibiin


Flag-Pins-Philippines-Somalia[1].jpg

Wafdi uu hoggaaminayo Ra'iisul wasaare ku xigeenka Dowladda KMG ee Soomaaliya ahna Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Prof. Cabdiraxmaan Ibbi, ayna ka mid yihiin taliyaha Ciidamada Badda Soomaaliyeed Amiral Faarax Axmed Cumar (Faarax Qare) iyo xubno kale ayaa maalinimadii Axadda ee ay bisha Disemberna ahayd 20-ka booqasho rasmi ah ku tagay magaalamadaxda waddanka Filibiin ee Maniila.

Wafdiga Ra'iisul wasaare ku xigeenka ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay, Agaasimaha Guud ee Protocolka Qaranka, Agaasimaha Guud ee Xiriirka Caalamiga ah, Agaasimaha Guud ee Asia iyo Africa ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Philippine, Danjiraha Dawladda Philippine ee Soomaaliya oo fadhigiisu yahay Kenya, Danjiraha Jamhuuriyadda Soomaaliya u fadhiya waddanka Indonesia iyo saraakiil sare oo ka tirsan Ciidamada Badda ee Filibiin.
 
Intii wafdiga Soomaalida ah ay ku guda jireen booqashadooda ayaa waxaa maalinnimadii isniinta ee ay taariikhduna ahayd 21-ka Disember kulan isugu yimid Taliyaha Ciidamada Badda Soomaaliyeed Admiral Faarax Qare iyo saraakiisha ugu sarsareysa Taliska Ciidamada Badda iyo Ilaalinta Xeebaha waddanka Filibiin, ayadoona kulankaasi layskula soo qaaday sidii Ciidamada Badda Filibiin ay tababarro u siin lahaayeen Ciidamada Badda Soomaaliyeed iyo iskaashi guud oo dhex mara labada ciidan, arrintaasoo is afgarad kusoo dhammaatay.

Wafdiga Ra'iisul wasaare ku xigaanka ayaa isla maalintaas kulan kale la qaatay Wasiirka Shaqada iyo Shaqaaleynta ee Filibiin iyo madax sare oo la socotay, waxayna ka wada hadleen dhibaatada burcadbadeedda ay u geystaan shaqaalaha reer Filibiin ee ka shaqeysta dhammaan maraakiibta ganacsi ee adduunka iyo sidii wax loogaga qaban lahaa, waxaana laysku afgartay dhammaanba qodobbadii laysla soo qaaday.

Wafdiga Dowladda KMG ee Soomaaliya ee uu hoggaaminayey Prof. Ibbi ayaa waxa  maalinnimadii talaadad ee ay taariikhdu ahayd 22 -kii Disember xafiiskiisa ku qaabilay Ku-simaha Madaxweynaha Filibiin , ahna madaxweyne ku xigeenka dalka Mr. Noli de Castro, kaasoo wafdiga Soomaalida u caddeeyey sida uu dalkiisu ugu faraxsan yahay xiriir iskaashi oo dhex mara labada dal ee Soomaaliya iyo Filibiin iyo sida uu dalkiisu u daneynayo nabad ka islaaxda dhulka iyo badaha Soomaaliyaba.

Intaasi kaddib ayaa wafdigii Dowladda KMG ee Soomaaliyeed waxa ay isla maalintaas la kulmeen Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Filibiin Alberto Romulo oo ay ka wada hadlayeen sidoo loo sii xoojin lahaa xiriirka saaxibtinimo iyo iskaashi ee ka dhaxeeya labada dal oo muddooyinkan dambe ahaa mid aad u hooseeya kaddib markii horraantii sanadihii 90-meetadii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya, taas intii ka dambeysayna lagu jiray jahawareer.

Prof. Ibbi iyo wafdigiisa ayaa waxa sidoo kale la kulmeen murashaxa madaxweynenimada waddanka Filibiin Senetor Richard Gordon oo ah ninka la filan karo inuu ku guuleysto doorashada madaxtinimada waddanka ee hadda lagu guda jiro qabanqaabadeeda, kaasoo asagana ay aad isugu afgarteen dhammaan qodobbadii ay isla soo qaadeen.

Wafdiga Prof. Ibbi ayaa waxa kale oo ay la kulmeen hay'ado fara badan oo ka jira waddanka Filibiin kuwaasoo ay ka wada hadleen arrimo la xiriira tababaridda shaqaale iyo kalluumeysato Soomaaliyeed iyo qodobo kale oo fara badan.

Booqashada Prof. Ibbi iyo wafdigii la socday ay ku tageen waddanka Filibiin ayaa waxay guud ahaan kusoo dhammaatay guul iyo is afgarad dhex maray labada dal ee Soomaaliya iyo Filibiin.

Prof Ibbi ayaa shir jaraa'id oo uu ku qabtay magaalada Manila uga waramay sidii wanaagsaneyd ee loogu soo dhoweeyey waddanka Filibiin isaga wafdigiisa, arrimihii ay ka wada hadleen mas'uuliyiintii ay la kulmeen iyo sida laysugu afgartay dhammaanba qodobbadii laga wada hadlay.

Intaasi kaddib wafdigii Dowladda KMG Soomaaliyeed ayaa waxa ay u soo dhaqaaqeen dhanka gegida dayaaradaha caalamiga ah ee magaalad Manila oo ay si wanaagsan ugu soo sagootiyeen Wasiirada Arrimaha Dibedda, Shaqada, Kalluumeysiga, wakiillo ka socday Madaxtooyada Filibiin iyo saraakiisha Sare ee Ciidamada Badda Filibiin.

Manila.jpg

Add New Comment