Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo cunaqabateyn ku soo rogay Eritrea


Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ugu dambeyntii cunaqabateyn dusha kaga tuuray dowladda Eritrea, kaddib markii in badan lagu soo eedeeyey inay lug ku leedahay dhibaatada ka aloosan gudaha waddanka Soomaaliya iyo mandiqada Geeska Afrika.


Xubno 13 ah oo ka tirsan 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ayaa u codeeyey qaraar dhigaya in dalka Eritrea lagu soo rogo cunaqabateyn, qaraarkaasoo mamnuucaya safarrada xubno sar sare oo ka tirsan mas'uuliyiinta dalkaasi iyo xayiraad lagu soo rogo hantida ay leeyihiin shaqsiyaadkaas iyo shirkado dalkaasi laga leeyahay oo Qaramada Midoobay ay ku eedeysay ku lug lahaanshiyaha rabshadaha ka jira Geeska Afrika.

 

Dalalka ku mideysan Urur-goboleedka IGAD iyo Midowga Afrika ayaa in badan ku eedeeyey dalka Eritrea inuu hub siiyo xoogagga Islaamiyiinta ah ee dagaalka kula jira Dowladda KMG ee Soomaaliya iyo ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho.

 

Dowladda Eritrea ayaa sheegtay inaysan wax saameyn ah ku yeelan doonin cunaqabateynta Golaha Ammaanka ee lagu soo rogay, ayadoo dhowr jeer oo horena beenisay inay wax lug ah ku leedahay dhibaatada Soomaaliya iyo qalalaasaha ka taagan mandiqadda Geeska Afrika.


Add New Comment