Khaatku waa cadow, waxaase kasii cadowsan kuwa ka ganacsada ee qurbaha noogaga dabakeenay


khat22.jpgKhaatku [Catha edulis] waa geed soo jireen ah oo muddo aad u dheer kasoo jiray wadanka Ethiopia, kaddibna ku baahay waddamo kale oo ku yaalla bariga Afrika iyo dalka Yemen oo maanta si aad ah loogaga isticmaalo cunistiisu.

Qarnigii 15-aad ayey ahayd markii ugu horreysay ee laga ogaaday waddanka Ethiopia in geedkanu uu yahay geed leh raaxo ku meelgaar ah (mirqaan), kaddibna wuxuu u sii tallaabay jasiiradda Carabta oo uu ka soo galay dalka Yemen oo ay taariikh ahaan xiriir lahaayeen dalka Ethiopia.
Qarnigii 19-aadna waxaa geedka Khaadka Europe looga aqoonsaday inuu yahay geed laga heli karo daawada cudurro fara badan oo ay ka mid yihiin qalalka (suuxdinta), tabardarrida ku dhacda ragga iyo cudurro kale oo fara badan.

Geedka khaatku kama dheeraado 1.2 meter, wuxuuna leeyahay caleemo goobaabin oo kale u sameysan oo leh midabbo isugu jira cagaar iyo bunni, wuxuu leeyahay ur aan la dhibsan oo qafiif ah, dhadhankiisu waa qaraar marka hore ee uu qofku billaabayo cuniddiisa, taasoo marka dambe markii daroogada ku jirta khaatka ay gasho qofka cunaya jirkiisa illowsiisa qaraarka.

Muqaadaraadka ku jira caleemaha khaadka ayaa waxa ka mid ah kokain (cocaine) iyo amfetamin (amphetamine) aan aad u xoog badneyn, kuwaasoo laakin marka uu qofku badsado isticmaalka qaadka keeni kara inuu gaaro heer uu ka xoroobi waayo marka dambe.

Dalalka sida aadka ah loogaga isticmaalo khaatka ayaa waxa ka mid ah dalalkaSoomaaliya iyo Jabuuti oo aanay labaduba ka mid ahayn dalalka beerta ee dhaqaalaha faraha badan ka hela sida Kenya, Ethiopia, Yemen iyo dalal kale oo ku yaalla bariga iyo bartamaha Afrika.

Haddaba khaatku wuxuu dhibaato weyn ku haayaa dhaqaalaha dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaanba, waxaana maanta gudaha dalka Soomaaliya laga isticmaalaa khaat ay keenistiisu ku baxdo lacag adag oo gaareysa boqolaal kun oo dollar maalintiiba, lacagtaas oo inteeda badan ka timaada dadka Soomaaliyeed ee qurba joogta ah oo ayagu soo dira lacago ay ugu tala galeen inay masaariif ahaan u siiyaan eheladooda ku sugan gudaha dalka.

Ayadoo ay intaasi jirto ayaa waxa dhacday in kuwo iimaan laaweyaal ah oo qurbaha ku nool ay degeen qorshe ay kula dagaallamayaan dhaqaalaha dadkii qurbajoogga ahaa ee ay ku dhaqnaayeen kuwa gudaha ku dhibaateysan kaddibna ay khaatkii oo si sharcidarro ah lagu soo geliyey inta badan waddamadii loosoo qaxay ee waqooyiga Ameerika iyo Europe-ba, halkaasna ka billaabeen dagaal qaawan oo ay ku qaadaan bulshada Soomaaliyeed ee uu dalkoodu burburay, waxayna sababeen in qoysas fara badan oo dalkii ku sugan ay waayaan masaariiftii ay heli jireen, halka qoysas kale oo fara badan oo qurbajoogta ka mid ahna ay burbureen oo laysku afgaran waayey odayaashii iyo hooyooyinkii qaar oo damcay inay ku qayilaan masaariiftii reerka.

Haddaba maxaa ummadda Soomaaliyeed la gudboon?
Ummadda waxaa la gudboon dhowr qodob oo asaasi ah, kuwaasoo kala ah :
1 - Inay is abaabulaan oo ay diyaarsadaan qaabab ay uga hortagi karaan khaatka.
2 - Inay meel uga soo wada jeestaan oo ay iska diidaan kuwa ay dilatay cunista khaadka.
3 - Inay dagaal cad ku qaadaan kuwa cadowga ku ah danahooda ee ka ganacsada khaatka, hay'adaha ku   shaqada lehna ogeysiiyaan sida boliiska iwm.

Qoraalkan ku saabsan dhibaatooyinka khaatka ayaan waxan kasoo diyaarin doonnaa maqaallo kale oo fara badan, kuwaasoo aan rajeyneyno bal inay wax uun ka tari doonaan dhimista dhibaatadan ummadda heysata, sidoo kalena waxaan website-yada Soomaaliyeed dhammaantood ka codsaneynaa inay qaybtooda ka qaataan guubaabinta mujtamaca Soomaaliyeed ee la il-daran dhibaatooyinka ay sababeen dagaallada dabadheeraaday ee muddada 20-ka sano ah ka jiray dalkooda.



Add New Comment