Sanadguuradii 66-aad ee Boliiska Soomaaliyeed oo maanta laga xusay Muqdisho


Sh-Cabdulqadir.jpgMunaasabad si aad ah loo soo agaasimay oo ay ka qeyb galeen wasiiro, taliyeyaasha ciidamada dowladda iyo mas'uuliyiin ka tirsan dowladda KMG ee Soomaaliya oo lagu xusayey sanadguurada 66-aad ee kasoo wareegtay aasaaskii Ciicanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa maanta lagu qabtay fagaaraha weyn ee Dugsiga Sare ee Boliiska (Scuola Polizia) ee magaalada Muqdisho.

Waxaa munaasabaddaasi oo si wanaagsan u dhacday ciidamadii halkaasi dhoola-tuska ka sameynayey salaam sharaf uga qaatay Ra'iisul Wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Tamarta iyo Batroolka Dowladda KMG Cabdiwaaxid Goonjeex, Wasiirka Arrimaha Gudaha Sheekh Cabdulqaadir Cali Cumar, taliyeyaasha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Boliiska.

PoliceBB.jpgRa'iisul Wasaare ku-xigeen Cabdiwaaxid Goonjeex oo intaasi kaddib hadal  jeediyey ayaa waxa uu uga hadlay taariikhda ciidanka Boliiska Soomaaliyeed iyo doorka ay hadda ka qaadan karaan xaaladda adag ee uu dalku ku sugan yahay, mudane Sheekh Cabdulqaadir Cali Cumar Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa asagana sheegay in loo baahan yahay in ciidamada Boliiska Soomaaliyeed ay ka faa'ideystaan barnaamijyada ay dowladdu ku hormarineyso tayadooda.

Waxaa sidoo kale halkaasi ka hadlay taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed General Cali Maxamed Xasan Looyaan oo sheegay inay socdaan howlo dib loogu habeynayo ciidanka Boliiska oo uu sheegay inay dhowaan gudan doonaan waajibaadka ka saaraan nabad ku soo dabaalidda dalka.

Gabagabadii xafladda ayaa waxaa mar qura meel aan sidaas uga fogeyn goobtii ay xafladdu ka dhaceysay kusoo hoobtay madaafiic ay soo tuureen xoogagga dowladda dagaallada kula jira ee ku sugan magaalada Muqdisho, lamana soo sheegin wax qasaare ah oo ay madaafiicdaasi geysatay.



Add New Comment