Dowladda KMG oo maanta soo bandhigtay sarkaal ka soo goostay Xarakatul Shabaab


Dowladda KMG ayaa maanta soo bandhigtay mas'uul lagu sheegay inuu ka tirsanaa saraakiisha Xarakatul Shabaab Al-Mujaahidiin ee gobolka Shabeellada Dhexe, haatanna ku soo biiray dhinaca Dowladda KMG ee Soomaaliya.

Sarkaalkan oo lagu magacaabo Cali Xasan Geedi ayaa waxa la sheegay inuu ahaa taliye ku-xigeenka ciidanka Al Shabaab ee gobolka Shabeellada Hoose, waxaana goobtii sarkaalkani lagu soo bandhigay ka hadlay afhayeenka warfaafinta Sheekh Cabdirasaaq Qaylow.

Sheekh Qaylow ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan cid kasta oo kasoo goosata xoogagga kasoo horjeeda Dowladda KMG ee Soomaaliya.

Sarkaalka ka soo goostay Al Shabaab ayaa asagana goobtaasi ka sheegay inuu ka tirsanaa ciidamada Shabaab Al Mujaahidiin ee gobolka Shabeellada Dhexe, wuxuuna si cad u sheegay inuu hadda kusoo biiray dhinaca Dowladda KMG ee Soomaaliya.

Soo bandhigadda saraakiil iyo ciidamo lagu sheegay inay kasoo kala baxsadeen kooxaha isku haya siyaasadda Soomaaliya ayaa waxa ay noqotay arrin iska caadi ah oo marka dambena ay kooxdii laga soo goostayna ay dhankeeda sheegto in ay been tahay sheegashada dhinaca kale.

Add New Comment