Mas'uul ka tirsan Dowladda KMG oo beeniyey xil ka qaadistii lagu sameeyey taliyeyaasha ciidanka


Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Dowladda KMG ee Soomaaliya Xasan Macalin Maxamuud ayaa been aan sal iyo raad toona lahayn ku tilmaamay wararka sheegaya in xilalkii ay hayeen laga qaaday taliyeyaasha Ciidamada Xoogga Dalka  iyo Booliska Soomaaliyeed.

Wasiiru-dowlaha oo asagoo ku sugan magaalada Muqdisho, lana hadlayey saxaafadda ayaa waxa uu sheegay inaysan waxba ka jirin wararka maanta laysla dhexmarayey ee sheegaya in General Cabdi Qaybdiid iyo General Dhuumaal laga qaaday xilalkii ay ka hayeen Dowladda KMG ee Soomaaliya.
'
Wasiiru-dowlaha ayaa sidoo kale arrinkan ku tilmaamay inuu yahay mid lagu doonayo in lagu carqaladeeyo jiritaanka Dowladda KMG ee Soomaaliya.

Saak ayaa waxa mar qura ummaddu ku soo baraarugtay war ay faafiyeen saxaafadda maxaliga ah, kaasoo sheegayey in labada General xilkii ay hayeen laga xayuubiyey.

Waxa aanan weli jirin war dhaafsiisan warka wasiiru-dowlaha oo kasoo baxay madaxda sare ee Dowladda KMG oo ku saabsan xil ka qaadista lagu sameeyey labada talie ciidan ee General Qaybdiid iyo General Dhuumaal.

Add New Comment