Dagaal culus ayaa caawa fiidnimadii ka dhacay qaybo ka tirsan magaalada Muqdisho


Dagaal aad u xooggan oo hub waaweyn iyo mid fudfududba laysu adeegsaday, una dhexeeya ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo xoogagga Islaamiyiinta ah ayaa caawa fiidkii waxa uu ka dhacay qaybo ka tirsan magaalada Muqdisho.

Dagaalka ayaa waxa uu ka dhacay qaybo ka mid ah degmooyinka Howlwadaag iyo Hodan ee magaalada Muqdisho, ayadoo halkaasi laysku weydaarsaday rasaas iyo nadaafiic fara badan, waxaana adag  in la ogaado qasaaraha ka dhashay, waqtiga oo habeen ah awgeed iyo isu socodka dadka iyo gaadiidka oo aan inta badan jirin magaalada Muqdisho waqtiyada habeennimada ah.


Add New Comment