Ciidamo Ethiopian ah oo maanta soo galay goobo ka tirsan gobollada Hiiraan iyo Galguduud


Ciidamo Ethiopian ah oo aad u fara badan, watana gaadiidka dagaalka oo ay ku jiraan dabaabaadka ayaa maanta ka soo tallaabay xadka kala qaybiya labada dal ee Soomaaliya iyo Ethiopia soona gaaray degaannada Kala Beyrka iyo Galdogob oo ku kala yaala gobollada Hiiraan iyo Galguud.

Warar laga helay dadka ku dhaqan degaanka Kala-Beyrka oo 25 Km koonfur kaga beegan magaalada Beledweyne  ayaa sheegaya inay halkaasi soo gaareen ciidamo boqollaal ah oo ku hubeysan hub culus oo ay ku jiraan dabaabaadka, kana sameysteen fariisimo kaddib isla markii ay halkaasi soo gaareenba.

Warar aan la xaqeejin ayaa sheegaya in ciidamadan ay la socdaan kuwo Soomaali ah oo ay leedahay Dowladda KMG, kuwaasoo oo tababar ciidan kusoo dhammeystay gudaha waddanka Ethiopia.

Dhanka kale ciidamo Ethiopian ah ayaa sidoo kale isla maanta soo galay degaanka Balanbale ee gobolka Galguduud, taasoo cabsi weyn ku abuurtay dadweynaha halkaasi ku dhaqan.

Ciidamada dalka Ethiopia ayaa inta badan iska soo gala gudaha dalka Soomaaliya, xilli aysan jirin cid iska hortaagi karta, hase ahaatee dib isaga baxa kaddib markii ay maalmo iska joogaan goobihii ay soo galeen, ayadoo kooxaha kasoo horjeeda dowladdana ayba isaga soo cararaan meelaha ay Ethiopianku kusoo dhowaadeen, halkii ay kala dagaallami lahaayeen.

Add New Comment