Dab weyn oo maanta ka kacay goob shidaalka lagu kala iibsado oo ku taalla magaalada Muqdisho


Dab aad u weyn oo geystay qasaare dhinaca dhaqaalaha ah, oo wixii sababayna aan la ogeyn ayaa waxa uu  maanta ka kacay goob shidaalka lagu keydiyo, laguna iibiyo oo ku taala Km5 agagaarka isgooyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Dabka oo ahaa mid aad weyn ayaa waxa khasaaraha uu geystay ka sokow, waxa kale oo meeshaas ka dhacay inay kusoo xoomeen dadweyne fara badan oo ujeeddooyin kala duwan goobta u yimid,  waxaase ayagan goobta soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda KMG, kuwaas oo rasaas ku kala diray dadkii  meesha isugu yimid intoodii wax bililqeysaneysay, ayadoona uu halkaasi ku geeriyooday qof.

Qaar ka mid ah dadkii ay hantidoodu halkaa ku bas beeshay oo warbaahinta la hadlayey ayaa sheegay inay halkaasi ka soo gaartay khasaare weyn oo ay maanta dadkaasi qaarkood ay maanta noqdeen dad sabool ah oo aan waxba qabsan karin.

Waxa kale oo asagana dabkaasi ka hadlay Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka Gobolka Banaadir Cabdifataax Cabdisalaam oo sheegay in markii uu dabku billowday ay durbadiiba u yeereen qaybta dab-damiska ee ciidamada AMISOM, wuxuuna sheegay in ciidamada dowladdu ay is hortaageen in halkaasi ay ka dhacaan wax bililiqo ah.

Inta badan qasaare weyn ayaa ka dhasha markii uu dab ka kaco magaalada Muqdisho, gaar ahaan goobaha lagu iibiyo shidaalka, ayadoo aysan magaaladu hadda lahayn qaybtii dab-damiska ee Ciidanka Boliiska.

Add New Comment