Xildhibaanada Digil & Mirifle oo cambaareeyey dhibaatada lagu haayo dadkooda ku sugan degaannad Puntland


Xildhibaannada Barlamaanka Soomaaliya uga jira beelaha Digil & Mirifle ayaa si kulul u cambaareeyey dilalka dib uga soo cusboonaaaday degaanno hoos taga maamul-goboleedka Puntland , dilalkaas oo lala beegsado dadka ka soo jeeda gobollada koonfureed ee Soomaaliya gaar ahaan dadka kasoo jeeda gobollada Bay iyo Bakool.


Xildhibaannada beelaha Digil & Mirifle ee xubnaha ka ah Barlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa cambaareyn dusha kaga tuuray dhibaatada sida gaarka ah loogu haayo dadka u dhashay beelahooda ee qaxooti ahaanta ku jooga goobo badan oo ka tirsan ismaamu-goboleed Soomaaliyeed ee Puntland oo qaarkood loo geysto dil.

Xildhibaan Xaaji Maxamed Caddoow oo ka mid ah xildhibaannada maanta ku kulmay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dad ku abtirsada beelaha Digil & Mirifle si gaar ah loola beegsaday dhibaatooyin isugu jira dil iyo cagajugleyn ay geysteen dadka degaannada Puntland.

Waxaa sidoo kale kulankaasi ka hadlay xildhibaanno kale oo fara badan oo uu ka mid ahaa xildhibaan Xasan Qooreey oo asagu ah afhayeenka xildhibaannada beelaha Digil & Mirifle ee ka tirsan Barlamaan Soomaaliya ayaa sheegay in dhibaatooyinka ka taagan ismaamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ee isugu jira qaraxyada, dilalka iyo handadaaddaba aan loo baahneyn, dadka Soomaaliyeedna ay yihiin dad walaalo ah meel kasta oo ay joogaan.

Kulankan ay sida gaarka ah maanta isugu yimaadeen xildhibaannada Digil & Mirifle ayaa ku soo beegmay ayadoo maalmihii ugu dambeeyey ay degaannada Puntland ka jireen dhibaatooyin si gaar ah loola beegsado dadka Soomaaliyeed ee ka soo jeeda gobollada Bay iyo Bakool ee nabadgelyada u doontay degaannada Puntland ee xagga xasilloonida ku dhaama gobollada koonfureed ee Soomaaliya ee ay colaaduhu ka jiraan.



Add New Comment