Golaha Ammaanka ee QM oo isku raacay in Eritrea lagu soo rogo cunaqabateyn


Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxaa ay si wadajir ah isugu  in cunaqabateyn lagu soo rogo waddanka Eritrea, kaddib markii in badan lagu soo eedeeyey falal lagu xumeynayo ammaanka dalalka ku yaalla  gobolka Geeska Afrika oo ay Soomaaliya ka midka tahay.

War ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa lagu sheegay in dhammaan dalalka xubnaha ka ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay isku raaceen in cunaqabateyn la saaro dalka Eritrea.

Qaraarka hordhaca ah ee ka soo baxay Golaha Ammaanka ee QM ayaa waxaa la filaya in la ansixiyo toddobaadka soo socda, ayadoo sidoo kalena la filayo in saraakiil sar sare oo ka tirsan xukuumadda Eritrea ayagana lagu soo rogo cunaqabteyn xagga socdaalka ah.

Dalka Libya ayaa waxa la sheegayaa inuu ka soo horjeestay qaraarkan, halka 5-ta dal ee joogtada ku ah Golaha Ammaanku ay dhammaantood u codeeyeen in la cunaqabateeyo Eritrea.

Dowladda Eritrea ayaa waxaa aad loogu eedeeyaa kaalinta ay ku leedahay taageerada ay kooxaha kasoo horjeeda Dowladda KMG ee Soomaaliya ay ku leedahay, taasoo la sheego inay ka helaan taageero dhinaca hubka ah.

Eritrea ayaa dhowr jeer oo hore waxba kama jiraan ku tilmaamtay eedahaas loo soo jeediyey, hase ahaatee waxaa taasi ku qanci waayey Ururka Midowga Afrika iyo Urur Goboleedka IGAD oo ayagu mar kasta ku celcelinayey eedeeyntooda ku aaddan Eritrea.

Add New Comment