Kooxda Xiriirka Caalamiga ah ee Soomaaliya oo uu shir uga furmay magaalada Jeddah


JeddahBB.jpgKooxda Xiriirka Caalamiga (International Contact Groupe) ee Soomaaliya ayaa waxa maanta duhurnimadii shir uu uga furmay magaalada Jeddah ee waddan Boqortooyada Sacuudiga, kaasoo loogaga wada hadlayo arrimaha ka jira dalka Soomaaliya.


Kulankan ayaa waxa ka qaybgelaya waddamada iyo ururrada caalamiga ah ee daneeya arrimaha Soomaaliya, ayadoo uu goobjoog ka yahay Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma'arke iyo wafdi uu horkacayo oo matalaya Dowladda KMG.


Shirka ayaa waxa uu iminka ka socda Xarunta Ururka Islaamka ee magaalada Jeddah, ayadoo uu shirku shir-guddoomiye u yahay ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya danjire Axmed Walad Cabdalla.


Arrimaha kulanka loogaga wada hadli doono ayaa waxa ugu muhimsan sidii taageero buuxda loo siin lahaa Dowladda KMG ee Soomaaliya, si ay wax uga qabato xaaladaha amaandarrida ah ee ka jira beriga iyo badaha Soomaaliya.


Kulankan oo ay kulamadii ka horreeyey aysan wax badan oo faa'ido leh ayaa waxa la rajeynayaa in markan ay beesha caalamku u soo jeesato wax ka qabashada arrimaha murugsan ee ka jira waddanka Soomaaliya.

Add New Comment