General Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo loo magacaabay Wasiir

 Xaflad ka dhacday Xarunta Madaxtooyada ee Muqdisho ayaa Taliyihii hore ee ciidamada Booliska dowlada KMG ee Soomaaliya General Qaybdiid ayaa waxaa loo magacaabay Wasiirka Macdanta iyo biyaha  iyadoo Max’ed C/laahi Oomaar sidoo kale loo magacaabay Wasiirka Tacliinta
 

Xafladaan oo isugu jirtay Dhaarin iyo xil wareejin islamarkaana ay ka soo qeyb galeen Madaxweynaha dowladda KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ,Kusimaha Ra’iisul wasaaraha Pro. C/raxmaan Xaaji Aadan Ibbi iyo qaar ka mid ah golaha wasiirada dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa maanta waxaa ay ka dhacday xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho.

Qeybdiid_dhaarin.jpg
Ku simaha Ra’iisul wasaaraha dowladda KMG ee Somaaliya C/raxmaan Xaaji Aadan Ibbi ayaa ugu horeyntii halkaasi waxaa uu ka aqriyay Digreeto xil  loogu magacaabay Taliyihii hore ee ciidanka Booliska General Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo loo magacaabay Wasiirka Macdanta iyo biyaha iyadoo sidoo kalana xil loogu badalay Wasiirkii hore ee Wasaradda Macdanta iyo biyaha Max’ed C/laahi Oomaar kaasoo lagu badalay Wasiirkii geeriyooday Pro.Ibraahim Xasan Cadoow loona dhiibay Wasaaradda hidaha iyo tacliinta sare ee dowladda KMG.

 

Xiligaasi kadib ayaa waxaa xilka Wasaarada Macdanta iyo biyaha loo dhaariyay Cabdi Xasan Cawaale qeybdiid waxaana halkaasi ku dhaariyay wasiirka wasaaradda Cadaalada iyo Garsoorka dowladda KMG C/raxmaan Janaqoow.

Add New Comment