Maamulka Islaamiga Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa maanta meel fagaare ah ka fuliyey xukuno Rajmin iyo Tacsiirad isugu jirtay

Maamulka Ururka Xisbul Islaam ee degmada Afgooye ayaa maanta xukunno dil ah ka fuliyay degmada Afgooye, sidoo kale waxaa la karbaashay gabar lagu soo eedeeyay inay fal gogol dhaaf ah sameysay.

 ilaa 3-da qof ee xukunka lagu kala fuliyay ayaa kala ahaa labo sino lagu helay iyo kan saddexaad oo dad soo dilay fal qisaas ahna lagu fuliyay, waxaana ay kala yihiin.
Dadkaasi waxay kala yihiin :Maxamed Abuubakar Ibraahim oo dhagax lagu dilay, Xaliimo Sheekh Cabdulle Axmed oo 100-karbaash lagu dhuftay iyo sidoo kale ninka saddexaad oo isna la qisaasay kaasoo horey Toorey uu ku dilay qof .


Garsooraha Maxkamadda degmada Afgooye Sheekh Cismaan Siidow Xasan ayaa saxaafadda u sheegay in dadka xukunnada lagu fuliyay ay muddo ku hayeen xabsiga degmada ayna maanta u suurogashay inay xukunnadan ku fuliyaan.

"Dadka xukunnada lagu fuliyay dhammaantood waa qirteen inay dambiyada galeen, waxaana xukunnadan ay ahaayeen kuwo Islaamka lagu saleeyay" ayuu yiri Sheekh Cismaan Siidow oo saxaafadda la hadlay xukunka markii la fuliyay.

Boqolaal qof ayaa goobjoogayaal ka ahaa xukunnada oo ka dhacay barxad weyn oo ku taalla bartamaha degmada Afgooye, waxaana ay noqonayaan xukunkii labaad oo laga fuliyo degmadaas, tan iyo sidii maamul hoostaga Xisbul Islaam loo sameeyay.


Add New Comment