safiiradda dowladda Faransiiska ee Kenya Elizabeth Barbier oo Abaal-marin siisay ururka suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ

Maalintii shalay aheyd ayaa xaflad si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa ay ka dhacday qasriga ay magaakada Nairobi ka dagan tahay safiiradda dowladda Faransiiska ee Kenya Elizabeth Barbier
 Xafladan oo ay kasoo ka soo qeybgaleen suxufiyiin Soomaaliyeed oo lagu casuumay xafladda iyo mas’uuliyiin sar-sare oo ka tirsan dowladda faransiska ayaa waxaa sidoo kale kasoo qeyb galay diplomaasiyiin sarsare oo uu ka mid yahay Ergayga Gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Ambassador Ahmedou Ould Abdalla, Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle, Safiirka Midowga Reer Yurub u qaabilsan Soomaaliya George Andre, Safiirka dowladad Talyaaniga u Qaabilsan soomaaliya Ambassador Stefano Dejak iyo diplomaasiyiin badan.
 
Abaal-marintan oo ah abaalmarintii ugu sarreysay ee la guddoonsiiyo hay’ad ama Urur Soomaaliyeed ayaa waxaa u guddoomay Xoghayaha guud ee  Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed Cumar Faaruuq Cusmaan.
 
Cumar Faaruuq oo ay ku wehliyeen munaasabada kulan xubnaha ururka qaar ka mid ah oo ku sugan magaalada Nairobi ayaa waxaa uu tilmaamay in abaalmarintani tahay mid usoo hoyatay ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan bahda saxaafadda oo uu ururka NUSOJ hormuud ka yahay.
 
Munaasabadda ayaa waxaa ay ku soo aadday usbuuc kaddib markii qaraxii dadka badan ay ku dhinteen uu ka dhacay hotel Shaamo ee magalaada Muqdisho iyo ayadoo shalay la xusay maalinta caalamiga ah  ee baaqa caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha. Ururka NUSOJ ayaa noqday ururkii ugu horreeyay ee la guddoonsiiyo abaalmarintan marka loo eego dalalka bariga Africa.abaalmarin10.jpg

Add New Comment