Halgamaa Cali Xasan Maslax (Barduuro) ayaa xalay ku geeriyooday Magaalada Nairobi

Allaha-u-naxariistee halgamihii ugu dambeeyay ee ka tirsanaa aasaasayaashii Ururkii Gobonimo-doonka SYL, Marxuum Cali Barduuro oo da'adiisu ay ahayd 93-sano ayaa xanuunkii loo geeyay magaalada Nairoobi ee dalka Kenya u geeriyooday .



Marxuum Cali Xasan Maslax (Barduuro) ayaa ka mid ahaa 13-kii dhalinyarada aheyd ee SYL aasaaska u dhigtay, waxaana uu ahaa ruuxii ugu nolol dambeeyay dhallinyaradii aas-aastay  SYL.
Marxuumka  xanuun muddo hayay awgeed ayaa Isbitaal loo geeyay Magaalada Nairobi,halkaasi uu xalay ku dhintay.

Ururkii SYL ayaa ahaa ururkii horseedka u ahaa xorriyadda ay Somalia maanta harsanayso, iyadoo dhallinyarada aasaasay ay ahaayeen kuwo si Soomaalinimo ah u go'aansaday inay xorriyadda dalkooda u dagaalamaan, kana xoreeyaan gumeysiga.

Cali Barduuro oo da'adiisu ay ahayd 93-sano ayaa xanuunkii loo geeyay Kenya u geeriyooday, isagoo intii uu dalku burburka ku jiray ku noolaa degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellada hoose.

Ehellada Cali Barduuro ayaa sheegay in Marxuumku uu xilal kala duwan uu kasoo qabtay Dowladihii wadanka kasoo taliyey ,waxaa ka mid ah xilalka uu soo qabtay in uu  safiir ka noqday dalalka Ethiopia iyo Jarmalka.

Meytka Marxuum halgamaa Cali Barduuro ayaa lagu wadaa in loo soo qaado todobaadka soo socda dalka Soomaaliya, si loogu aaso Degmada Qoryooley ,goobtaasi uu Marxuumku ka dardaarmay in lagu aaso haddii uu geeriyoodo sida ay sheegeen qaar ka mid ah ehelladiisa

Add New Comment