Madaxweyne Sheekh Shariif oo maanta booqday qaar ka mid ah xeryaha ciidamada Dowladda


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ay la socdaan Taliyaha Ciidanka iyo saraakiil kale ayaa maanta booqday xeryaha ay ciidamada Dowladda kaga sugan yihiin degmooyinka Wadajir iyo Dharkeenleey ee gobolka Banaadir.

Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa intii uu ku gudajiray booqashadiisa waxa uu ciidamadii uu booqday u jeediyey qudbad dheer oo uu kaga warramay taariikhdii ciidankii hore ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaasoo uu ku sifeeyey inay ahaayeen kuwo asluubtoodu ay aad u sarreysay oo u adeegi jirey shacabkooda.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa gashanaa dreeska Ciidamada Qaranka, taasoo dadka qaar ay ku fasireen inay muujineyso sida Dowladdu diyaarka ugu tahay dagaal ay la gasho xoogagga kasoo horjeeda ee Xisbul Islaam iyo Xarakatul Shabaab Al-Mujaahidiin.

Shariif-Milateri[1].jpg

Dhuumaal.jpg

xooggaDEalka.jpg





Add New Comment