Dagaal saaka aroornimadii ka dhacay qaybo ka tirsan waddada warshadaha ee magaalada Muqdisho


Dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada Dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo xoogagga hubeeysan ee kasoo horjeeda, socdayna ku dhowaad saacad ayaa saaka aroornimadii hore waxa uu ka dhacay waddada Warshashadaha ee magaalada Muqdisho.

Sarkaal u hadlay ciidamada Dowladda KMG ee dagaalka saaka la galay xoogagga mucaaradka ayaa waxa uu sheegay in lasoo weeraray fariisin ciidamadoodu ay ku lahaayeen Warshadda Kabka, ayna ayagoo is difaacaya dib u caabbiyeen weerarkii lagu soo qaaday.

Sarkaalka u hadlay ciidamada Dowladda oo lagu magacaabo Daahir Farey ayaa waxa uu intaasi ku daray in dhankoodu uu dagaalka kaga dhaawacmay hal askari, asagoo isla mar ahaantaana sheegay in ay ka dileen afar dagaalyahan oo ka tirsan kuwii weerarka soo qaaday.

Dagaalka saaka ka dhacay waddada warshadaha ayaa qayb ka ah weerarro joogto ah oo lagu qaado fariisimada ay ciidamada Dowladdu ku leeyihiin goobo badan oo magaalada Muqdisho ka tirsan, ayadoo dhowr maalmood oo keliya ay ciidanka dowladdu ku sugan yihiin warshadda kabka.


Add New Comment