Sheikh Xasan Daahir oo soo dhaweeyay go’aankii Barlamanka Ciidamada Shisheeyeena ugu baaqay in ay ka baxaan dalka


Sheikh Xasan Daahir oo meel fagaare ah kala hadlayay dadka reer Muqdisho  ayaa waxaa uu soo dhaweeyay  go’aankii dhawaan ay gaareen Barlamanka KMG Soomaaliya isagoona tilmaamay in ay ku timid gacmaha mujaahidiinta.

 

Gudoomiyaha isbahaysiga dib u xoraynta Casmara Sheekh Xasan Daahir Aweys oo maanta kula hadlayay boqolaal dadweyne ah oo isugu soo baxay saldhigii hore ee degmada Wardhiigleey ee gobolka Banaadir ayaa waxaa uu ka hadlay arimo kala duwan oo ka taagan dalka Soomaaliya kadib safar uu shalay ku yimid magaalada Muqdisho.

 

Xasan Daahir Aweys oo qudbad dheer u jeedinayay boqolalka dadweynaha ayaa ku tilmaamay talaabadii insixinta Barlamanka ee ku dhaqanka shareecada Islaamka in ay tahay talaabo wanaagsan oo ku timid gacmaha Mujaahidiinta hase yeeshee waxaa uu shakki galiyay hadiiba dowlado ay ka mid yihiin Ethiopia iyo Maraykanka ay raali ka noqdeen sida ay ku noqon karto shareeco run ah.

 

“Maanta in barlaman yiraahdo Shareecada Islaamka yaa la isku xakumayaa waa tilaabo hor mar leh oo ay keeneen raga Mujaahidiinta.laakiin waxaa is weydiin mudan Islaamka saxiixa Ethiopia looga doonay Maraykankuna ka raali noqday taasi ma islaamkii la rabaybaa”ayuu weydiiyay dadkii ka soo qeyb galay banaanbaxa lagu soo dhaweynayay.

 

Sheikh Xasan Daahir Aweys ayaa ugu baaqay ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya in ay ka baxaan dalka oo ay ku laabtaan wadamadooda isagoo ku safeeyay in ay yihiin dad caqabad ku ah nabadda Soomaaliya.

 

“Mar Hadii ciidamada Shisheeye ay joogaan ma harsan kartid saladna ma aadi kartid ilaa laga bixiyo,waxaana ay la midyihiin bikteeriyo nagu dhexjirta oo kale dadkaasi waxaan kula talinaynaa in ay naga bad baadiyaan sidii nimankii Ethiopianka ahaa ee ka tagay Soomaaliya in aan isugu baaba’no”ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir.

 

Xasan Daahir Aweys waxaa uu ka hadlay dilalka loo geysto dadka waxgalka u ah bulshda Soomaaliyeed isagoo tilmaamay in arintaasi ay ka dambeeyaan cadowga umadda Soomaaliyeed.

 

“Waxaan aad ugu xunahay in arimaha aad moodo in uu cadowgu ka dambeeyo oo uu waligiis soo wadi jiray oo ah in umadda dadka qiimaha leh laga dilo oo uu cadowgi ugaarsado laakiin in si kale wax u dhacaan ayaa dhici karta arintaasina aad iyo aad ayaan cambaareynayaan”ayuu hadalkiisii intaasi ku sii daray.

 

 

Waxa uu ugu baaqay in xoogaga muqaawamada ee isla soo wada dagaalamay in ay heshiiyaan oo ay sii taabo galiyaan fakirkii ay ku midoobeen markii hore shacabakuna ay ka sugayeen dhaqan galkiisa.

 

“Al Shabaab ha ahaato Xisbul Islaam ha ahaato ama Maxkamadaha dadkaasi waa in lagu mideeyo hadafkoodii ay ku midoobeen masuuliyadii umadaani ay ka qaadeena ay ka soo baxaan”ayuu hadalkiisa intaasi ku soo gab gabeeyay Xasan Daahir

 

Dibaxaani maanta lagu soo dhaweynayay imaanshiyaha sheikh Xasan Daahir Aweys oo si nabad ah u soo dhamaaday ayaa waxaa soo abaabulay masuuliyiinta xibsul Islaam garabka Dr. Cumar Iimaan Abuu Bakar iyadoo masuuliyiinta ka hadlayna ay ka mid ahaayeen gudoomiyaha xisbul Islaam Cumar Iimaan Abuu Bakar oo sheegay in maanta ay ku soo dhaweynayaan magaalada Muqdisho sheikh Xasan Daahir Aweys ayna rajaynayaan in ay wax iska badelaan arimaha ka jira Magaalada Muqdisho.


Add New Comment