250 million dollar deeqda Soomaaliya loo ballan qaaday, ee wax lagaga qabanayo sugidda ammaanka


SharifEU.jpgMadaxa hay'adda Midowga Yurub u qaabilsan horumarinta iyo gargaarka Mr. Louis Michel ayaa sheegay in shirkii deeqda loogu uruurinayey Soomaaliya lagu guuleystay oo waddamada deeqaha bixiyana ay Soomaaliya ugu yabooheen adduun dhan 250 million oo dollar.

Deeqdan loogu yaboohay Soomaaliya ayaa wax looga qaban doonaa dib-u-dhisidda ciidamada ammaanka Soomaaliya si loo soo celiyo nidaamka dowladeed iyo kala dambeynta, sidoo kalena ka hortaga howlaha beryahan dambe soo ifbaxay ee burcadbadeednimada.


shshariif11B.jpgMidowga Yurub ayaa bixinaya rubac (afar meelood meel ahaan) lacagta 250 million ee doollar ah, halka saddexda rubac ee soo hartayna ay  bixinayaan dalal  kale  oo ka mid ah deeq-bixiyeyaasha (dalalka hodanka ah).

Intii uu socday shirku ayaa waxaa qudbooyin ku saabsan ajendaha shirka halkaas kasoo jeediyey mas'uuliyiin uu ka mid ah Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo aad ugu dheeraaday sida xal loogaga gaari karo dhibaatada muddada 18-ka sano ah ka jirta Soomaaliya oo ayadu sal u ah dhibaato kasta oo kale oo mandiqada Geeska Afrika ka dhacda.

Sidoo kale waxa asagana halkaa ka hadlay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay  Ban Ki Moon oo sheegay in burcad badeeddu aanay ahayn cudur ka dhex dhashay biyaha, balse ay tahay wax ka dhashay nabadgelyo la'aanta iyo qaska ka taagan dhulka Soomaaliya.


Add New Comment