Sheekh Xasan Daahir Aweys oo goor dhow soo gaaray magaalada Muqdisho


Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in hoggaamiyaha Ururka Dib-u-Xoreynta garabka Asmara Sheekh Xasan Daahir Aweys uu saaka ka soo degay garoonka No. 50 ee gobolka Shabeellada Hoose, kaddib markii uu kasoo kicitimay dalka Ereterea.

Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa sida la sheegay waxa safarkiisa ku weheliya 7 xubnood oo ka tirsan Isbaheysiga, waxayna isla markii ay kasoo degeen No. 50 loo soo gelbiyey dhanka magaalada Muqdisho oo ay beryahan dambe ka jireen xiisado colaadeed oo u dhexeeya kooxaha Muqaawamada, iyadoona warbaahinta maxaliga ah laysku weydaarsanayey hadallo kulkulul.

Dadka reer Muqdisho qaarkood ayaa qaba in imaanshiyaha Sheekh Xasan Daahir ay wax badan ka tari karto xal u helidda is-maandhaafka u dhexeeya xoogagga Muqaawamada, halka qaar kalena ay qabaan in xiisaddu ay kor u sii kici karto.

Add New Comment