Magaalada Brussels oo uu maanta ka furmayo shir dhaqaale loogu uruurinaayo Soomaaliya


BrusselsB.jpgShir caalami ah oo ay ka qayb galayaan in ka badan 30 dal, Qaramada Midoobay iyo Ururo kale oo caalami ah oo dhaqaale loogu aruurinayo Dowladda Soomaaliya ayaa maanta ka furmaya Magaalada Brussels ee wadanka Belgium.

 

Dalalka iyo Ururrada deeqbixiyeyasha ah ayaa waxa uu maanta kulan uga furmayaa magaalada Brussels ee waddanka Belgium si loogu uruuriyo deeq dhaqaale oo ay dowladda Soomaaliya wax uga qabato dib-u-dhisidda ciidamada ammaanka, soo celinta deganaanshaha iyo la dagaalanka kooxaha burcad badeedda Soomaalida ee xillayadii ugu dambeeyey dhibaatada ku hayey isu socodka gaadiidka badaha ee caalamka, gaar ahaan kuwa adeegsada marinnada muhiimka ah ee Khaliijka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya.

 

Shirkan oo ay soo abaabuleen Qaramada Midoobay iyo Ururka Midowga Afrika ayaa waxa ka qayb galaya Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Sharif Sheekh Axmed, Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon, Xoghayaha guud ee Ururka Midowga Afrika Jean Bing iyo mas'uuliyiin kale oo fara badan.


Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arirmaha Soomaaliya Axmed Walad Cabdala ayaa waxaa uu wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay inuu rajanayo in kulankani ay ka soo qeyb geli doonaan waddamo fara badan iyo quburo waaweyn oo caalami ah si ay u taageeraan qorshaha ah in lacago deeqa ah loogu aruuriyo Soomaaliya si loo dhiso ciidamo ammaanka suga oo ay yeelato xukuumadda Soomaaliya.

 

Kaaliyaha Xoghayaha arrimaha dibedda ee dowladda Maraykanka Phillip Carter  ayaa sheegay in dowladdiisu dib u eegi doonto siyaasadda Soomaaliya iyo sida ugu habboon ee loo taageeri karo qorshaha lagu doonayo in lagu sugo ammaanka Soomaaliya.


Add New Comment