Dowladda Soomaaliya oo deeq dhaqaale ka heleysa Midowga Europe


War hordhac ah oo kasoo baxay Midowga Europe ayaa sheegaya in waddanka Soomaaliya ay ugu deeqi doonaan lacag dhan 60 milyan oo Euro ah una dhiganta adduun lagu qiyaasay 78 milyan oo dollarka Mareykanka ah.

 

Deeqdaan Midowga Europe ay ugu yabooheen Soomaaliya ayaa ku soo aadeysa maalin uun ka hor inta aan laysugu imaan shir caalami ah oo ka dhici doona magaalada Brussels ee waddanka Belgium maalinta berrito ah ee ay bisha Aprilna ay tahay 23-ka kaasoo dhaqaale loogu ururin doono Soomaaliya si wax looga qabto arrimaha ammaanka iyo brcad badeedda.

 

Madaxweynaha gudiga reer Yurub (European Commission) Mr. Jose Manuel Barroso ayaa sheegay in falalka burcad badeednimadu ay soo jiiteen dareenka beesha Caalamka ee arrimaha Soomaaliya, wuxuuna sheegay in xal miletari oo kelya aan wax lagaga qaban karin burcad badeednimada.

 

“In la taageero Soomaaliya si mustaqbalka ay u dhisato ciidamadeeda Amnigu waa muhiim”ayuu yiri Jose Manuel Barroso.

 

Shirka berri ka furmaya magaalada Brussels ayaa waxaa diiradda lagu saari doonaa sidii dhaqaale loogu aruuri lahaa dowladda KMG, ayadoona ay kasoo qayb geli doonaan in ka badan 30 dal oo ayagu ah kuwa deeqaha bixiya.

 

Kulankaani ayaa waxa marti galiyay Midowga Europe waxaan shir-gudoominaya xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon iyo gudoomiyaha Midowga Africa Jean Ping waxaana ujeeddadiisa ugu weyn ay tahay in la helo ugu yaraan 160-milyan oo doolar si loogu taageero dowladda Soomaaliya si ay wax ugu qabato 12-ka bilood ee soo socota.


Add New Comment