Madaxweyne sheikh Shariif oo ka soo hor jeestay faragalin shisheeye in lagu xaliyo dhibaatada ka taagan xeebaha Soomaaliya


Madaxweyne sheikh Shariif ayaa ka soo hor jeestay faragalin shisheeye in lagu xaliyo dhibaatada ka taagan xeebaha Soomaaliya.

 

Madaxweynaha Soomaaliya sheikh Shariif Shiikh Axmed oo kadib kulan kula qaatay xarunta madaxtooyada dalka Masar ee magaalada Qahira dhigiisa dalkaasi Max’ed Xusni Mubarka la hadlayay Barnaamijka lagu magacaabo Sabaaxal Qeyr Yaa Masar ee ka baxa TV-ga dalka Masar ayaa sheegay in xaaladaha ka taagan xeebaha Soomaaliya aan lagu xalin Karin ciidamo caalami ah oo la keeno xeebaha Soomaaliya.

 

Sheikh Shariif Shiikh Axmed waxaa uu sheegay in uu diidan yahay awood waliba oo caalami ah oo lagula tacaalayo kooxaha burcad badeeda Soomaaliya,waxana uu sheegay in xukuumadiisa ay u baahan tahay in loo sameeyo ciidamadii Badda Soomaaliya si loogu baahiyo goobaha ay ka howlgalaan kooxaha burcad badeeda Soomaaliya.

 

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa uu tilmaamay in mushaakilka Burcad badeednimada uu markiisii hore ka dhashay kaluumeysatada Soomaalida ah ay cariiri badan kala kulmeen Maraakiib shisheeye oo waaweyn taasi oo kaluumeystada ku qasabtay in ay qaataan hub ay isku difaacaan kadibna ay xaalada isku rogtay Burcad badeednimo.

 

Shiikh Shariif ayaa intaasi ku daray in uusan meesha ka saareeyn in uu jiro damac reer galbeed oo doonaya in ay xaalada Soomaaliya ku jirto foowadada ay ka faa’iideystaan,laakiin waxaa uu sheegay in dowladiisa ay tahay in la taageero halkii reer galbeedku ay faragalin ku sameeyn lahaayeen xaalada dalka Soomaaliya.

 

Waxaa uu dowlada Masar iyo dowladaha kale ee Soomaaliya xiriirka la leh ugu baaqay in ay gacan ka geystaan tageerida sidii Soomaaliya dib loogu dhisi lahaa,waxaana uu sheegay in dalka Masar uu u tagay sharaxaada waxyaabaha u qabsoomay dowladiisa inta ay jirtay.

 

Ugu danbeeyntii waxaa uu tilmaamay in maadama dalka Soomaaliya uu mudo dheer ku soo jiray dagaalo iyo fowdo ay adagtahay in si sahlan uu ku soo kabto,waxaana uu ka codsaday wadamada ku lugta leh xaalada Soomaaliya in ay gacan ka geystaan dib u dhiska hay’adaha qaranka Soomaaliya.


Add New Comment