Odayaasha Hawiye oo ugu baaqay shacabka Muqdisho inay sameystaan Ciidamo madani ah oo ammaankooda suga


Gudoomiyaha Odayaasha Beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad oo maanta shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho inay sameysteen Ciidamo madani ah oo ammaankooda suga.

Maxamed Xasan Xaad ayaa u tilmaamay dadka reer Muqdisho inay Degmo kasta ama xaafad xaafad u sameystaan Ciidamo madani ah, isagoona sheegay in hadii arrinkaas lagu dhaqaaqo ay yareyn karto falalka amni darada ee ka jira Magaalada.

"Waxaan shacabka Muqdisho ugu baaqeynaa inay sameystaan Ciidamo Madani ah oo ammaanka u suga, iskana celiyaan kooxaha dilalka geysta"ayuu yiri Maxamed Xasan Xaad oo ugu baaqay shacabka in qof walba uu goos dambeedka ku qabto shareecada islaamka in lagu dhaqmo.

Mr Xaad ayaa shacabka u jeediyay in hadii aanay sameysan ciidamo madani ah ay dhibaatada guryahooda ugu tagi doonto, isagoona sheegay in degmo kasta ay ku xirnaato degmada kale si looga gudbo dhibaatooyinka oo uu sheegay inay wadaan qolooyin xun oo dowladda diidan iyo kuwa nabadgelyo darada ka shaqeynaya sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu si kulul u cambareeyay dilalka qorsheysan ee ka dhacay magaalada Muqdisho, isagoo kooxaha ka dambeeyay falalkaas ku tilmaamay kuwo fidno-wadayaal ah oo aan Adduun iyo Aakhiro rabin wax wanaag ah.

Hadalka ka soo yeeray Maxamed Xasan Xaad ayaa ku soo aadaya, xilli shalay Afhayeenka Odayaasha Hawiye Axmed Diiriye uu ka shanqariyay ay ka war heleen in waxgarad iyo odayaal reer Muqdisho ah oo uu ka mid yahay isaga iyo Xaad lagu xukumayo in la soo dilo.

Add New Comment