Guddoomiyha Barlamaan oo si kulul u weeraray hadalkii shalay ka soo yeeray sarkaal ka tirsan Al-Shabaab


Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa si kulul uga jawaabay  hadalkii shalay ka soo yeeray sarkaal ka tirsan Ururka Alshabaab, kaasoo uu ku sheegay in go'aankii  Baarlamaanka ee ku dhaqanka shareecada Islaamka uu ahaa mid dhagar ah.

Aadan Madoobe oo shir jaraa'id ku qabtay Xarunta kmg Barlamaanka (Gaadiidka Booliska ) oo fadhi u ah Baarlamaanka Soomaaliya, kaddib shir uu barlamaanku maanta ka lahaa qodob ku saabsan miisaaniyadda Dowladda Soomaaliya.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa sidoo kale ku eedeeyay Ururka Alshabaab inay ku shaqeuynayaan qaabab aan u daneynayn diinta Islaamka oo ay dadkana argagax geliyeen, asagoo sidoo kalena AlShabaab ku eedeeyey inay yihiin kuwo qandaraas ku soo qaatay fashilinta dadaalka nabadda ee Soomaaliya ka socda.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa Alshabaab ku tilmaamay inay yihiin kuwo aan ra'yigooda u madax banaaneyn oo ay ka amar qaateen dad ajnabi ah, isagoona ku eedeeyay inay dalka soo geliyeen waxa uu ugu yeeray ajnabi Cadaan, madow iyo Jaalle isugu jira waa sida uu hadalka u dhigaye.

"Sida aan la wada soconno go’aankii Baarlamaanka ee ku dhaqanka shareecada Islaamka wuxuu ahaa mid ay Xildhibaannada si aqlabiyad leh isugu raaceen, iyadoo aanu jirin Xildhibaan diiday iyo mid ka aamusay intaba"ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe oo intaa ku daray in Dowladda ay ka go'an tahay in dalka ku xukunto shareecada islaamka.

Hadalka Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa ka dambeeyay kaddib markii shalay Kooxda Alshabaab ay gaashaanka ku dhufatay go'aankii Baarlamaanka ee ku dhaqanka shareecada islaamka.

Shalay ayay aheyd markii Madaxa Siyaasada iyo Gobolada Alshabaab ninka lagu magacaabo Sheekh Xuseen Cali Fiidow uu si kulul uga soo horjeestay Go'aankii Baarlamaanka, isagoona sheegay in hadii baarlamaanka cod u qaaday in shareecada islaamka la qaato, berrina ay ka noqon karaan.

Add New Comment