Dagaal dhimasho iyo dhaawac sababay oo maanta ka dhacay degmada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan


Dagaal dhimasho iyo dhaawac sababay ayaa maanta gudaha magaalada Baladweyne waxaa uu ku dhex maray xoogaga muqaawamada ee halkaasi kuwada sugan.

 

Illaa iyo 6-ruux ayaa ku geeriyootay inta la hubo 32-kalena  oo qaarkood rayid ah waa ay ku dhaawacameen dagaal maanta barqadii ka biloowaday xaafada H/wadaag ee magaalada Baladweyne dagaalkaasi oo weli si teel teel ah uga socda halkaasi.

 

Waxaana weli labada cusbitaal ee magaalada ku yaala magaalada Baladweyne la gaarsiinayaa dhaawacyada dadkii ku wax yeeloobay dagaaladaasi,waloow dadka dhaawacmay ay u badan yihiin dad rayid ah.

 

Dadka dhaawacmay ayaa waxaa ka mid ahaa wariye Nuur Muuse Xirsi (Nuur Inji) oo ka mid ahaa wariyayaasha ka howlgala gobolka Hiiraan,waxaana la tilmaamay in labo xabadood oo ka mid ah rasaasta la isweydaarasanayay ay ka haleeshay qeybta hoose ee jirkiisa xili isaga iyo wariyayaal kale ay ku gudo jireen shaqada Saxafinimo.

 

Xabado teel teel ah ayaa waxaa laga maqlayaa xaafadah H/wadaag ee galbeedka magaalada Baladweyne waloow la tilmaamay in qeyb ka mid ah xaafadaha uu dagaalka saakay ka dhacay ay gacanta ku hayaan garab ka mida ah xoogaga muqawamada ee dagaalka uu u dhexeeyo.

 

Ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay dhinacyada dagaalada ay ku dhex marayaan
Baladweyne iyo maamulka maxaakiimta islaamiga ee gacanta ku haya gobolka Hiiraan.

 



Add New Comment