Dowladda Ethiopia oo mar kale sheegtay inay taageereyso Soomaaliya


Wasiirka Arrimaha Dibadda Ethiopia Seyoum Mesfin ayaa sheegay in dowladda Ethiopia aysan marna ka laabanayn taageeradii ay horey ugu ballan qaadday inay isla garab taageyso dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya.

Seyoum Mesfin ayaa sheegay in Ethiopia dooneyso in dalka Soomaaliya ay ka islaaxdo nabad waarta, asagoona intaa raaciyey  in dhinacooda ay ka shaqeynayaan sidii ay nabadda iyo xasiloonida dib ugu soo noqon lahayd Soomaaliya.

"Taageeradeena waa mid muuqata, waxaan Soomaaliya ka caawimeynaa inay cagaheeda dib isugu taagto, nabadii iyo kala dambeyntii ay dib u soo laabato" ayuu yiri Seyoum Mesfin oo aan caddeynin taageeradooda nooca ay tahay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Ethiopia Seyoum Mesfin ayaa hadalkan jeediyay kadib markii uu Magaalada Addis Ababa kula kulmay Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke iyo Kuxigeenkiisa ahna Wasiirka Maaliyada Shariif Xasan.

Mar uu Wasiirka ka hadlay arrimaha burcad badeedka ee ka taagan Xeebaha Soomaaliya iyo gacanka cadmeed ayuu ku taliyay in dhibaatooyinka burcad badeedka lagu xalin karo, iyadoo la dhiso Hey'addaha Ammaanka ee Dowladda Soomaaliya si ay uga hortagto saldhigyada gudahe ee burcad badeedka.

"Dowladda Ethiopia iyo IGAD waxay sii wadi doonaan in ay la shaqeeyaan Dowladda KMG ee Soomaaliya"ayuu yiri Seyoum Mesfin oo intaa ku daray in xalka kaliya uu yahay in Soomalida dhexdooda ay is xaliyaan si mushaakilka jira looga baxo.

Dowladda Ethiopia ayaa isku dayeysa inay gacan saaxibtinimo u fidiso Dowladda uu hogaamiyo Hogaamiye Islaami qunyar socod ah, waxaana isku dayga Ethiopia tahay inay dib u soo nooleyso saaxibadii ay Soomaaliya ku laheyd sida Hogaamiye kooxeedyadii.

Add New Comment