Banaanbaxyo lagu taageerayey ku dhaqanka shareecada Islaamka oo maanta ka kala dhacay magaalooyinka Muqdisho iyo Beledweyne

Banaanbaxyo waaweyn ayaa maan waxa ay ka dhaceen magaalooyinka Muqdisho iyo Beledweyne, kuwaas oo lagu muujinayey sida shacabka labadaas magaalo ay u taageersan yihiin go'aankii Barlamaanka ee ahaa in dalka Soomaaliya lagu dhaqo shareecada Islaamka.

Banaanbaxa ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo qaban qaabiyey Maamulka Gobolka Banaadir, waxaana ka soo qaybgalay mas'uuliyiin fara badan oo ka tirsan golayaasha Dowladda oo isugu jiray wasiiro iyo xildhibaanno iyo dadweyne aad u fara badan.

Kusimaha Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Prof. Cabdiraxmaan Xaaji Aadan (Ibbi) oo ka hadlay banaanbaxan ayaa si weyn ugu mahadceliyay markale Ururka Xisbul Islam gaar ahaan garabka Sheekh Cameey uu hoggaamiyo oo uu kusheegay in ay yihiin dad fahmay masiirka Umadda isaga oo tilmaamay in Bulshada dhammaan iyagoo Muslimiin ah hadana ay qaateen kudhaqanka Shareecada Islaamka.

Waxaa sidoo kale halkaa asagana ka hadlay Wasiirka Arrimaga Gudaha Sheekh Cabdulqaadir Cali Cumar oo sheegay in qeybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed in laga doonayo inay isgarab taagaan wanaagga u billowday Soomaaliya.

Col. Cumar Xaashi Aadan oo ah wasiirka Ammaanka Qaranka ayaa isna kamid ahaa mas’uuliyiintii ka hadashay dibadbaxa wuxuuna ka hadlay sida bulshada ay u soo dhaweeyeen isaga oo ugu baaqay bulshada maadaama ay yihiin boqolkii boqol muslim in arrintani dhexda loo xirto.

Waxa kale oo mas'uuliyiintii halkaa ka hadashay ka mid ahaa Sheekh Cabdiraxmaan Maxamuud Faarax (Janaqow) oo halkaa ka jeediyay hadallo aad u kulul sheegayna in ugu horeyn ay tahay in dowladda Soomaaliya loo aqoonsadaa dowlad Islaami ah, Madaxweynuhuna uu yahay Amiirul-Mu'miniin, ciiddii intaa kaddib ka hortimaadana wuxuu sheekh Janaqoow ku sifeeyey erayo ay ka mid ahaayeen khawaarijta takfiirka ah.

Sheekh Janaqow ayaa ugu dambeyntii ka qaaday goobta la isugu soo baxay hees kuna luqeeyay taasi oo horey uu u qaaday Faarax Siidow Faarax inkastoo wadaadada uu Janaqow kamid yahay aanan looga baran in fagaare sidani oo kale ay ka heesaan waliba ay ku luqeeyaan.

Hey’adda Culumada Soomaaliyeed ayuu sidoo kale la hadlay isaga oo ugu baaqay in ay deg deg u dhaqangeliyaan ayna noqdaan dadka lasoconaya dhaqangelinta arrintani wixii qalloocdana laga doonayo in iyagu ay haggaan u ahaadaan oo ay saxaan.

Dibadbaxeyaasha ayaa waxa ay siteen Calanka Soomaaliya iyo Sawirka madaxweynaha waxaana ay ahaayeen kuwa kudhawaaqayay ereyo ay ku muujinayaan in dowladdani sharcigeeda ka dhigtay Islaamiga ay aad u soo dhaweynayaan.

Dhinaca kale Magaalada Baladweyne ayaa waxaa ka dhacay banaanbax ballaaran oo iyaguna ay ku taageerayeen go'aankii shalay Golaha Baarlamaanka ay sida buuxda u ansixiyeen, waxaana soo qaban qaabiyay Maxkamadaha Islaamiga iyadoo halkaasina khudbado kala duwan laga soo jeediyay.


Add New Comment