Markab Norwegian ah (MV Front Ardenne) oo ka badbaaday burcad badeed Soomaali ah


Maraakiibta dagaalka ee NATO iyo dayaaradaha helikopterada ee ku sugan xeebaha Soomaaliya ayey ku qaadatay 7 saacadood baadigoobka burcad badeed Soomaaliyeed oo ku guul darreystay inay qafaashaan markab laga leeyahay waddan Norway oo lagu magacaabo MV Front Ardenne oo ah nooca saliidda qaada (super tanker).

Front Ardenne.jpg

Is eryasho dheer kaddib ayey dantu kalliftay in ciidamada badda ee waddanka Kanada oo watay markab dagaal oo  lagu magacaabo HMCS Winnepeg ay xabbado digniin ah ku ridaan kooxdii burcad badeedda Soomaalida oo tiradooda lagu sheegay inay ahayd 7, kaddibna ay joogsadeen burcaddi ayagoo qoryahoodiina ku daadiyey badda, laakiin waxa doontoodii laga helay hal qori oo baasuuke ah.

HMCS Winnipeg.jpg

Burcad badeedan isku dayday inay qafaashaan markabka Norwegianka ah ayaa meesha isaga cararay kaddib markii shaqaalihii markabka ay sameeyeen dhaqdhaqaaq aad u xirfadeysan, ayna u qaylo dhaansadeen maraakiibta dagaal ee ku sugan xeebaha Soomaaliya,

Ciidanka Kanadianka ayaa qabqabtay burcad badeedda kaddibna wareystay wixii ay siteen oo hub ahna ka reebteen, kaddibna iska sii daayeen burcaddii maadaama uusan sharciga Kanada saamaxeyn in lagu haayo burcad badeedda Soomaalida markabka dushiisa.

Add New Comment