Ururka Al-Islaax oo taageeray go'aanka ku dhaqanka shareecada


Xarakada Islaamiga ah ee Al-Islaax ayaa isagana ku soo biiray Ururrada Islaamiga ah ee taageeray go'aanka Barlamaanka, wuxuuna  si weyn u soo dhoweysay ansixintii uu shalay Golaha Barlamaanka Midnimada Qaran ansixiyey qodob ahaa in dalka Jamhuuriyadda Soomaaliya lagu dhaqo shareecada Islaamka.

War saxaafadeed uu ururku soo saaray ayaa u qornaa sidan:

Ururka Islaamiga ah ee Al-Islaax kaddib markii uu arkay go'aanka taariikhiga ah ee maanta oo ay taariikhdu tahay 18/04/2009 uu Golaha Barlamaanka Soomaaliya ku ansixiyey hirgelinta ku dhaqanka shareecada Islaamka ee dalka Soomaaliya ayuu soo saaray war saxaafadeedkan.

1. Ururka wuxuu si buuxda u soo dhoweynayaa una taageerayaa go'aanka taariikhiga ah ee Golaha Barlamaanka Soomaaliya ku ansixiyey hirgelinta ku dhaqanka Shareecada Islaamka ee lagu dhaqayo dalka Soomaaliya.

2. Ururka Al-Islaax waxa uu dhammaamba shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ugu baaqayaa inay soo dhoweeyaan isla markaana ay garab istaagaan go'aankaas taariikhiga ah ee uu Barlamaanku gaaray, ayaga oo u arkaya guul weyn oo u soo hooyatay shacabka Soomaaliyeed.

3. Ururku wuxuu soo jeedinayaa in si buuxda laysaga kaashado sida ugu habboon ee loo hirgelin karo go'aankaas.

Baaqaan ayaa waxa ku saxiixnaa guddoomiyaha Ururka Al-Islaax Sheekh Cusmaan Ibraahim Cumar.

Add New Comment