Xisbul Islaam iyo Odayaasha Hawiye oo soo dhoweeyey go'aankii Barlamaanka


OmarIman.jpg Ururka Xusbul Islaam garabka uu hoggaamiyo Dr. Cumar Imaan Abuubakar iyo Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa labaduba siyaabo kala duwan u soo dhoweeyey go'aankii uu shalay Baarlamaanka Soomaaliya ku ansixiyey qodobka ku dhaqanka shareecadda Islaamka.

Afhayeenka ururka Xisbul Islaam garabka Dr. Cumar Imaan Abuubakar ayaa sheegay in go’aankii shalay Baarlamaanka ku gaaray in dalka  lagu dhaqo shareecadda Islaamka ay dhankooda aad ugu farxeen, wuxuuna sheegay in ay ayagu ka warsugayaan sida ay dowladda Soomaaliya ku u dhaqan galiso ku dhaqanka shareecadda Islaamka gaar ahaan degmooyinka ay kusugan yihiin Ciidamadii hore ee dowladda.

xaad.jpgSidoo kale guddoomiyeha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Maxamed xasan Xaad ayaa sheegay inay si weyn u soo dhoweynayaan go’aanka Baarlamaanka Soomaaliya uu ku ansixiyay shalay in dalka lagu dhaqo shareecadda Islaamka, waxayna dolwada ugu baaqeen in ay soo dadajiso hirgalintiisa.

Si kastaba ha ahaatee dhinacyada hubeysan ee ka soo horjeeda dowladda KMG ah ayaa soo dhaweeyay go’aanka Baarlamaanka Soomaaliya ee ku aadan ku dhaqanka shareecadda Islaamka marka laga reebo xarakadda Al shabaab oo illaa hada aan sheegin mowqafkoodu ku aadan Go’aanka Baarlamaanka.


Add New Comment