Culumaa'udiinka Ahlu Sunah Waljamaacah oo ku baaqay in la joojiyay dilalka qorsheysan ee loo geysanayo dadka waxgalka ah


Iyadoo maalmihii la soo dhaafay sii kordhayeen dilalka qorsheysan ee loo geysanaayo xildhibanadda iyo saraakisha ciidamadda dawladda soomaaliyeed gaar ahaan magaaladda Muqdisho ayaa waxaa arintaasi Baaq deg deg oo ku wajahan kooxaha ka dambeeya arintaasi baaq u jeediyay masuuliyiinta Golaha sare ee Ahlu Sunah Waljamaacah ee xaruntooda tahay Magaalada Muqdisho.

alsunnahB.jpgQaar ka mid ah masuuliyiinta golahaasi iyo xubno ka socday golaha maxaakiimta islaamka oo si wada jir ah uga qeyb galay Banaan baxa ka dhacay Isgoyska Sanca ayaa waxaa Culimadii ka qeyb gashay kam mid ahaa Sheekh C/qaadir Sheekh Soomow, Sheekh Muuse Cadde oo ahaa dhinaca Ahlu Sunah Waljamaacah iyo Sheekh Saadaq Cabdi Cabdulle oo ahaa isna dhinaca maxaakiimta ayaa ay si weyn uga hadleen xaaladda qalafsan ee ka jira magaaladda Muqdisho, iyagoo muxaadardaasina ku soo qaatay dilalka macna daridda ah ee ka soo cusboonaday magaaladda Muqdisho, kuwaasi oo loo geysanaayo dad wax galka ah ama masuuliyiinta kala duwan ee dawladda lagu bartilmaameysanayo, iyo wax ay shareecadda islaamka ka qabto arinkasi.

Muxaadaradasi oo ay isku soo baxeen boqolaal ruux oo iskugu jiray colomo, ka soctay golhaasi iyo kuwo isyaguna ka socoday midoowga maxaakiimta islaamiga ah iyo dadweyne soo camiray goobta ay ka socotay muxaadaradasi ayaa lagu soo bandhigay diliilo cad cad oo muujinaaya qofkii dila qof muslim ah waxaa uu aduun iyo aakhiro kala kulmaayo in ay tahay cadaab kan ugu xun oo ah jahanama oo uu weliba ku waaraayo taas oo ay u dheertay carre ilaah oo asiibta waxayna culimadu sharaxaad ka bixiyeen sida loogu baahan yahay in aanan lagu deg degin oo ay xaaraaan tahay in la dilo ruux muslim ah.

Culimadu waxay sidoo kale ugu baaqeen dawladda somaliyeed in ay arintaasi si deg deg wax uga qabato cidii ay falalkaasi ku cadaatana ay horgeyso sharciga lagana qaado talaabo ku haboon.

Dhinaca kale Golaha sare ee ahlu s nah waljamaca waxay sidoo kale ka wadaan masaajidyadda ku yaalla magaalada mugdishu wacyi gelin diini oo dadka loogaga digaayoo in ay iska kaashadaan dadka xun xun ee bulshadda dhaxdeedda ka wada fidnadda sida madaafiicca laga dhex tuuro xaafadaha iyo dilalka loo geysanayo dadweynaha gaar ahaan xubnaha muhiimka u ah bulshadda , taasi oo haatan ay qabtaan maalin kasta oo jimca ah salaadda kadib taas oo ay ka qeyb qaataan dhageysigeedda boqolaal ruux oo ku dukadda masaajidyadda magaladda Muqdisho.

Add New Comment