Garab ka mid ah Ururka Xisbul Islaam oo soo dhaweeyay go’aanki Barlamanka ee ahaa ku dhaqanka Shareecada Islaamka

cameeyB.jpg

Garab ka mid ah Ururka Xisbul Islaam  ayaa maanta waxaa ay si weyn u soo dhaweeyeen go’aanki Barlamanka ee ahaa in dalka lagu xakumo shareecada Islaamka.

 

Max’ed Xasan Cameey oo ah gudoomiyaha garab ka mid ah Xisbul Islaam oo manta shir jaraa’id u qabtay Saxaafadda ayaa sheegay inay soo dhaweeynayaan go’aankii ay mudanayaasha Barlamanku ku ansixiyeen ku dhaqanka shareecada Islaamka,waxaana uu xusay in go’aankaasi uu yahay fursad Soo martay bulshada Soomaaliyeed islamarkaana loo baahanyahay in laga faa’iideysto,isagoona culumaa’diinka ugu baaqay in ay bulshada ku dhiira galiyaan miraha ka soo baxay go’aankaasi.

 

Gudoomiyaha Xisbul Islaamka Max’ed Xasan Cameey ayaa waxaa uu intaasi ku daray in ciddii ka soo horjeesata go’aanka ay maanta ansixiyeen mudanayaasha Barlamanka ay tahay cid ka soo horjeeda ku dhaqanka Shareecada Islaamka sida uu hadalka u dhigay.

 

“Waa Faraxad dhagaheyga ku soo dhaceysa taasoo ah in nimankii Barlamanka ahaa ay qaateen ku dhaqanka Shareecada Islaamka”ayuu yiri Max’ed Xasan Cameey.

 

Sheikh Max’ed Xasan Cameey oo ah gudoomiyaha garab ka mid ah Ururka Xisbul Islaam waxaa uu sidoo kale shirkiisa jaraa’id ku sheegay in nasiib xumo iyo ayaandaro ay tahay in haatan dagaal uu ka dhexdhaco xoogaga muqaawamada,isagoona carabka ku dhiftay in jidka Warshadaha  ay haatan xiisado colaadeed ka jiraan.

 

“Waxaa wax laga xumaado ah in raggi shalay u dagaalamayay difaaca diinta Islaamka ay maanta colaad isku qaadaan oo jidka warshadaha saan saantooda laga dareemo”ayuu hadalkiisa intaasi ku daray Max’ed Xaasan Cameey.

 

Shirkaan jaraa’id ee uu qabtay Ururka Xisbul Islaam garabka uu hogaamiyu Sheekh Max’ed Xasan Cameey ayaa waxaa uu ku soo aadayaa xili maanta mudanayaasha barlamanka KMG ay ansixyeen in dalka lagu xakumo Shareecada Diinta islaamka,waxaana garabkii ugu horeeyay ee ka mid ah garabyada ka dagaalama gudaha dalka oo soo dhaweeyay  go’aanka mudanayaasha Barlamanka.


Add New Comment