Barlamaanka Soomaaliya oo ansixiyey ku dhaqanka shareecada Islaamka


Baarlamaanka Midnimada Qaran ee Soomaaliya ayaa isku raacay ansixinta qodobka ku saabsan ku dhaqanka shareecada Islaamka ee beryahanba hadal heyntiisu ay ka jirtay bulshada dhexdeeda, kaasoo ay horey u go'aamiyeen Golaha wasiirrada.

Kulanka oo ay kasoo qayb galeen mudanayaal tiradooda lagu sheegay 349, kana dhacay xarunta Gaadiidka Boliiska oo xarun ku meel gaar ah u ah Barlamaanka Soomaaliya ayey dhammaan xubnihii ka soo qayb galay isku raaceen in dalka Soomaaliya lagu dhaqo shareecada Islaamka.

Kulanka oo uu shir-guddoominayey Gudoomiye-ku-xigeenka labaad ee Golaha Baarlamaanka mudane Cusmaan Cilmi Boqorre ayaa waxaa kale oo ka qayb galay Ra'iisul wasaare ku xigeenka, ahna wasiirka kalluumeysiga Prof. Cabdiraxmaan Ibbi, qaar ka mid ah culimaa'uddiinka Soomaaliyeed, Golaha Wasiirada, taliyeyaasha ciidamada Xoogga Dalka iyo Boliiska iyo mas'uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir.

Waxa sidoo kale ka qayb galay kulanka oo weli soconaya saraakiil sar sare oo ka tirsan Midowga Maxkamadaha Islaamka oo ay ka mid ahaayeen afhayeen Maxkamada Sheekh Cabdiraxiim Ciise Caddoow iyo qaar kale.

Wixii warar ah ee arrintaan kusoo kordha kala socda shabakadda wararka ee SilGor.com

Add New Comment