Turkiga oo Soomaaliya u ballan qaaday tababaridda ciidamada ammaanka


Kaddib wadahadalladii rasmiga ahaa ee ay yeesheen labada madaxweyne ee Soomaaliya iyo Turkigu ku yeesheen magaalada Ankara ayey Dowladda Turkigu sheegtay in ay Soomaaliya ka caawini doonto tababaridda iyo aasaasidda ciidamo ammaanka oo ay yeelato dowladda cusub ee  Soomaaliya.

 

Madaxweynaha waddanka Turkiga Cabdala Guul ayaa sidoo kale waxaa uu tilmaamay in dalk Turkigu uu diyaar u yahay inuu gacan ka siiyo Soomaaliya dhinacyada caafimaadka iyo waxbarashada, isagoona  intaa raaciyey in dowladda Turkigu ay garab taagantahay dowladda Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

 

Sharif&GulB.jpgMadaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa asagana sheegay in dalka Soomaaliya horumar laga gaaray intii ay jirtay dowladda midnimada qaran, hase yeeshee waxaa uu sheegay in uu ka xunyahay falalka burcad badeeda Xeebaha dalka Soomaaliya oo uu tilmaamay in dhibaato ay caalamka ku hayaan,wadamo badan oo Turkigu uu ka mid yahana ay ku qasbeen in maraakiib dagaal ay u diraan xeebaha Soomaaliya, wuxuuna Sheekh Shariif intaa ku daray in burcad badeedda Soomaalida lagala dagaalami karo gudaha beriga Soomaaliya, wuxuuna codsaday si arrintaasi u meel marto in taageero la siiyo dowladdiisa.

 

Ballanqaadyadaan dowladda u sameysay dowladda Soomaaliya ayaa waxay ku soo aadayaan xilli dhibaatada burcad baddeeddu soo jiidatay indhaha waddamada adduunka oo dhan, inta badanna laysla gartay inaan burcad badeedda wax lagaga qaban karin maraakiib dagaal oo xeebaha Soomaaliya la keeno, hase ahaatee ay habboon tahay in dadaal loo galo sidii Soomaaliya ay u yeelan lahayd ciidamo ammaan oo casri ah awoodna u leh inay gacanta ku dhigaan deganaanshiyaha gudaha dalkooda.


Sharif&GulB1.jpg


Add New Comment