Madaxweyne Sheekh Shariif oo booqasho rasmi ah ku jooga waddanka Turkiga


Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi ballaaran oo uu horkacayo ayaa booqasho rasmi ah ku tagay dalka Turkiga, asagoo socdaalkiisa uga jawaabaya casuumaad uu mar sii horreysay ka helay madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga mudane Cabdalla Gul.

War saxaafadeed laga soo saaray Xafiiska Warfaafinta ee Madaxtooyada Turkiga ayaa lagu sheegay in madaxweyne Sheekh Shariif uu wada hadallo rasmi ah kula yeelan doono magaala-madaxda Turkiga ee Ankara madaxweynaha dalkaasi Cabdalla Gul inta u dhexeysa 17 ilaa iyo 21-ka bishan aan ku jirno ee April.

War saxaafadeedka ayaa sidoo kale waxa lagu sheegay in booqashada Sheekh Shariif Sheekh Axmed ay tahay tii ugu horreysay ee ay wafdi heer Madaxweyne ah ay isku dhaafsadaan labada dal ee Jamhuuriyadda Turkiga iyo Jamhuuriyadda Soomaaliya.

"Xaaladda haatan ka jirta Soomaaliya, sidii Turkigu gacan uga geysan lahaa nabad ku soo dabaalidda Soomaaliya, labada waddannaa isaga kaashan lahaayeen dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, ganacsiga, tacliinta, dhaqanka iyo dhibaatooyinka gobolka ayaa laga wada hadli doonaa inta uu socdo kulanka labada madaxweyne ee Soomaaliya iyo Turkiga" ayaa lagu sheegay war saxaafadeedka.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaay intaa kaddib u sii gudbi doonaan waddanka Belgium magaala-madaxdiisa oo 23-ka April lagu qaban doono shir caalami ah oo la damacsan in dhaqaale loogu uruuriyo dowladda cusub ee Soomaaliya.



Add New Comment